In ka badan 8,100 ruux oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen afgambigii dhicsoobay ee 15 bishan ka dhacay dalka Turkiga ayaa la dhigay xabsi, sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha ee dalka Turkiga ninka lagu magacaabo Efkan Ala.
Isagoo la hadlayay warbahinta A Haber, ayuu sheegay in tirada ugu badan 8,113 ruux oo xabsiga loo taxaabay ay yihiin ciidanka militiriga oo 5,266 tiradaas kamid ah oo ay ku jiraan 151 general ,halka inta kale 1,656 ay yihiin saraakiil kale oo militiriga ka tirsaneyd.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in 1,684 oo qaadi ama xaakim maxkamadeed iyo xeer ilaaliyaal sidoo kale la qabtay, 1,019 oo saraakiisha booliiska ah sidoo kale la soo eedeeyay.
Mr. Ala wasiirka arimaha gudaha ee Turkiga ayaa tilmaamay in 15,846 ruux sidoo kale la xirey markii baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in ay xiriir la leeyihiin isla markaana ka tirsan yihiin taageeriyaasha Fetullah Gulen kaas oo lagu tuhmay in ay ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee ciidanka dalka Turkiga isku dayeen in ay xukunka kaga tuuraan madaxweynaha sida sharciga ah loo soo doortay ee Recepp Tayyip Erdogan.
Xigasho: ANADOLU