Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-shabaab oo burburiyay isgaarsiinta deegaanka  Lafey ee Kenya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Al-shabaab oo burburiyay isgaarsiinta deegaanka  Lafey ee Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ragga hubeysan oo loo maleynaayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weeraray isla markaana burburayay taawarkii ama anteenadii isgaarsiinta tuulada Fina oo hoosyimaado deegaanka Lafey oo kamid ah is maamul goboleedka magaalada Mandera ee gobolka Woqooyi bari ee dlaka Kenya.

Taliyaha booliiska ee deegaanka Lafey Bosita Omukolongolo ayaa sheegay in weerarka uu dhacay saqdii dhexe ee habeenimadii xalay oo khamiista aheyd.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

“Waxaa jiray rasaas xoogan oo ay is weydaarsadeen kooxdii weerarka soo qaatay iyo booliiska deegaanka ammaankiisa gacanta ku hayay, laakiin ma jirin wax khasaare nafeed ah oo ilaa iyo hadda la soo wariyay, ” ayuu hadalkiisa raaciyay taliyaha.

“Waxaan ogaanayna tirada saraakiisha booliiska ee halkaas joogay markii xalay weerarka uu dhacayay waana soo tiranay dhammaan ciidanka booliiska,” ayuu yiri Mr Omukolongolo.

Sacad Abajaano oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka Fino  ayaa sheegay in ay adag tahay in la xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee deegaanka maadaama isgaarsiinta deegaanka hawada maqan tahay.

Waxaa uu dowladda ka codsaday in ay la xoojiyo adkeynta ammaanka deegaanka ” sababta loo beegsanaayo anteenooyinka isgaarsiinta waxay rabaan in ay weerar ku soo qaadaan markale.”

26 Juun ee sanadkan, ayaa sidan oo kale laburburiyay anteenadii isgaarsiinta tuulada Damasa oo ka tirsan deegaanka Lafey kadib markii Al-shabaab ay weerareen halkaas.

Previous Post

In ka badan 8,000 oo ruux oo lagu eedeyay afgambigii fashilmay ee Turkiga oo la maxkamadeyn doono

Next Post

Madaxweynaha: Ciyaaraha waxay gacan ka geystaan dib u heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada

Next Post
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha: Ciyaaraha waxay gacan ka geystaan dib u heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In