Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdixayir Maareeye oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya (SONNA) ayaa wuxuu ka hadlay shir la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho horaanka bisha soo socota.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid ay isugu imaanayaan Madasha Wadatashiga Heer Qaran, sidoo kalana ay ka soo qaybgalayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
“Shirkaan wuxuu dhacayaa 2-da ilaa 4-ta bisha August, waana shir muhiim ah, waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo sheegaya qorsha ugu danbeeya ee Doorashooyinka.” ayuu ku yiri Wasiirka Warfaafinta Wareysiga uu siiyay SONNA.
Maxamed Cabdi Xayir ayaa sidoo kale sheegay in madaxda dowladda ay ku adkaysanayaan in doorashada ay xiligeeda dhacayso taasna aanan wax wal wal ah laga qabin.
Maareeye ayaa sheegay ugu danbayntii shirkaan oo ka dhici doona magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya inay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo ka turjumaya rajjada shacabka Soomaaliyeed.