Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kormeeray xarunta hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Wasiirka Arrimaha gudaha oo kormeeray xarunta hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta kormeer howleed ku tegay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta hay’adda xilli ay socotay diiwaan gelinta dadka ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa warbixin mid mid uga dhageeystay howlwadeenada xafiisyada waxa uu sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah dadka dalka ku soo laabtay ee diiwaan gelinta loo sameeynayay.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Kormeerka kaddib ayuu Wasiirka waxaa uu kulan la qaatay maamulka sare ee hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, waxaana uu warbixin ka dhageestay guddomiyaha gudigga Axmed Daahir Cabdikariin.

“Dhadhaab arrinteeda waad la socotaa mudane Wasiir arinteedii way adagtahay dadkaasi dhawaan in ay soo noqdaan sabab kasta haku soo noqdaane ayay u badan tahay, waxaan kaa codsaneynaa xilli kala guur ah ayaa lagalaa in arrinta qaxootiga iyo barakacaaysha ay muhiimada koowaad kuu ahaato mar walba “ayuu yiri Axmed Daahir .

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo gunaanadkii kulanka ka hadlay ayaa la dar daarmay madaxda hay’adda.

“Waxaan ku bogaadinayaa aan u shegayaa guddoomiyaha iyo ku-xigeenadaba in shaqaalaha la tababbaro, lagu tababbaro macaamilka dadka idiin imaanaya la ogaado maalintaas adeega loo qabanayo, in aad kormeertaan dadku inaysan dareemin in halkii ay ka yimaadeen ay uga wanaagsaneed halkaan dadku waa daalan yihiin aad mas’uuliyad hala iska saaro soo dhaweyntooda”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa u xilsaaran tiri koobka iyo ka warqabka dadka barakacayaasha ku ah gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah dalalka caalamka iyo sidoo kale daryeel u raadintooda, waxaana maanta ay hay’ada madaxdeedu soo bandhigeen tiri koobka dadka ka soo laabtay dalalka Yemen iyo Kenya iyo sido kale qaxootiga Yemeniyiinta ah ee dalkeena soo gaaray waxaana lagu shegay 27 kun oo Yemen ka soo laabatay 16 kun oo Kenya ka soo laabatay sanad gudihiis iyo 7,500 oo Qaxooti Yemeniyiin ah oo iyana ka soo baxsaday colaadda Yemen.

 

13898266_1088469864565847_133084772_o 13898494_1088469947899172_1309124446_o 13931462_1088470287899138_2094205738_o DSCN2720 DSCN2721 DSCN2722 DSCN2739 DSCN2740 DSCN2743 DSCN2778 DSCN2795 DSCN2814 DSCN2826 DSCN2847 DSCN2849 DSCN2850 DSCN2898 DSCN2909 DSCN2914 DSCN2915 DSCN2917  DSCN2920 DSCN2925 DSCN2934 DSCN2945 DSCN2955 DSCN2982 DSCN2983 DSCN2992 DSCN3002

 Sawir Qaade:- Cabdullahi Xashi Roob da’ay iyo Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka ururka Iskaashiga Islaamka “SAWIRRO”

Next Post

Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho "SAWIRRO"

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In