Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kormeeray xarunta hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 3, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Wasiirka Arrimaha gudaha oo kormeeray xarunta hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta kormeer howleed ku tegay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta hay’adda xilli ay socotay diiwaan gelinta dadka ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa warbixin mid mid uga dhageeystay howlwadeenada xafiisyada waxa uu sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah dadka dalka ku soo laabtay ee diiwaan gelinta loo sameeynayay.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Kormeerka kaddib ayuu Wasiirka waxaa uu kulan la qaatay maamulka sare ee hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, waxaana uu warbixin ka dhageestay guddomiyaha gudigga Axmed Daahir Cabdikariin.

“Dhadhaab arrinteeda waad la socotaa mudane Wasiir arinteedii way adagtahay dadkaasi dhawaan in ay soo noqdaan sabab kasta haku soo noqdaane ayay u badan tahay, waxaan kaa codsaneynaa xilli kala guur ah ayaa lagalaa in arrinta qaxootiga iyo barakacaaysha ay muhiimada koowaad kuu ahaato mar walba “ayuu yiri Axmed Daahir .

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo gunaanadkii kulanka ka hadlay ayaa la dar daarmay madaxda hay’adda.

“Waxaan ku bogaadinayaa aan u shegayaa guddoomiyaha iyo ku-xigeenadaba in shaqaalaha la tababbaro, lagu tababbaro macaamilka dadka idiin imaanaya la ogaado maalintaas adeega loo qabanayo, in aad kormeertaan dadku inaysan dareemin in halkii ay ka yimaadeen ay uga wanaagsaneed halkaan dadku waa daalan yihiin aad mas’uuliyad hala iska saaro soo dhaweyntooda”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa u xilsaaran tiri koobka iyo ka warqabka dadka barakacayaasha ku ah gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah dalalka caalamka iyo sidoo kale daryeel u raadintooda, waxaana maanta ay hay’ada madaxdeedu soo bandhigeen tiri koobka dadka ka soo laabtay dalalka Yemen iyo Kenya iyo sido kale qaxootiga Yemeniyiinta ah ee dalkeena soo gaaray waxaana lagu shegay 27 kun oo Yemen ka soo laabatay 16 kun oo Kenya ka soo laabatay sanad gudihiis iyo 7,500 oo Qaxooti Yemeniyiin ah oo iyana ka soo baxsaday colaadda Yemen.

 

13898266_1088469864565847_133084772_o 13898494_1088469947899172_1309124446_o 13931462_1088470287899138_2094205738_o DSCN2720 DSCN2721 DSCN2722 DSCN2739 DSCN2740 DSCN2743 DSCN2778 DSCN2795 DSCN2814 DSCN2826 DSCN2847 DSCN2849 DSCN2850 DSCN2898 DSCN2909 DSCN2914 DSCN2915 DSCN2917  DSCN2920 DSCN2925 DSCN2934 DSCN2945 DSCN2955 DSCN2982 DSCN2983 DSCN2992 DSCN3002

 Sawir Qaade:- Cabdullahi Xashi Roob da’ay iyo Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka ururka Iskaashiga Islaamka “SAWIRRO”

Next Post

Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In