Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulunka dowladaha hoose ee maamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo-(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 4, 2016
in Wararka
0
Kulunka dowladaha hoose ee maamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo-(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

​Waxaa Manta Magaalada Baydhabo ka furmay Shirka Wadajir ah oo lagu tayeynaayo Dawladaha Hoose oo ay ka qeyb galeen Wasiirada Arimaha Gudaha ee Maamulgobaledyada.

Kulunka oo ahaa mid wada tashi ah, laguna dejinayay qorsha Howleedka dib u heshisiinta iyo sameynta Dawladaha Hoose,ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirrada arriamah gudaha ee maamullada dalka,qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka  Bartamagaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo wakiillo Ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabbilsan horumarinta ee UNDP.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka K/Galbeed C/Raxamaan Ibraahim Aadan,oo wasaaraddiisu ay marti gelisay shirka, ayaa ugu horreen halkaasi ka jeediyay ereyo lagu soo dhawaynayay ergada ka qayb galaysa kulanka, isagoo sheegay inay ka wasaarad ahaan aad ugu faraxsan yihiin tallaabadan ay hormuudka ka tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka K/Galbeed Soomaaliya C/Qaadi Shariif Sheekhunaa Maye oo shirka furay ayaa sheegay inuu ahmiyad ballaaran u leeyahay kulankan dhammaan ka qayb galayaasha,isagoo wakiillada maamullada dalkana u rajeeyay inay qibradda ay halkan ka faa’iideen kula laaban doonaan goobihii ay ka yimmaaddeen.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaradda Arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim, Ayaa gabagabadii tilmaamay in ujeeddada shirkani ay tahay sidii loo mideyn lahaa shaqa maalmeedka dowladaha hoose ee dalka,taasoo waaya aragnimo ku noqon karta xubnaha wakiillada ka ah maamullada dalka.

Shirkan oo noqonaya kii Shanaad ee ugu dambeeyay ,ayaa waxaa looga hadlayay dejinta qorshe lagu tayeynayo dawladaha hoose islamarkaana lagu mideynayo maamulada degmooyinka,waxaana horay loogu qabtay shirar caynkan oo kale ah magaalooyinka Kismaayo iyo Cadaado.

SONNA/News

bay1Bay2bay3bay4bay5bay6

 

 

Previous Post

Safaaradda Soomaaliye ee Kenya oo dhar u qeybisay maxaabiis laga sii daayay xabsi ku yaalla Nairobi+Sawirro

Next Post

Golaha Wasiirada oo maanta ka dooday Amniga Dalka

Next Post
Golaha Wasiirada oo maanta ka dooday Amniga Dalka

Golaha Wasiirada oo maanta ka dooday Amniga Dalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In