Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulunka dowladaha hoose ee maamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo-(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kulunka dowladaha hoose ee maamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo-(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

​Waxaa Manta Magaalada Baydhabo ka furmay Shirka Wadajir ah oo lagu tayeynaayo Dawladaha Hoose oo ay ka qeyb galeen Wasiirada Arimaha Gudaha ee Maamulgobaledyada.

Kulunka oo ahaa mid wada tashi ah, laguna dejinayay qorsha Howleedka dib u heshisiinta iyo sameynta Dawladaha Hoose,ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirrada arriamah gudaha ee maamullada dalka,qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka  Bartamagaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo wakiillo Ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabbilsan horumarinta ee UNDP.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka K/Galbeed C/Raxamaan Ibraahim Aadan,oo wasaaraddiisu ay marti gelisay shirka, ayaa ugu horreen halkaasi ka jeediyay ereyo lagu soo dhawaynayay ergada ka qayb galaysa kulanka, isagoo sheegay inay ka wasaarad ahaan aad ugu faraxsan yihiin tallaabadan ay hormuudka ka tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka K/Galbeed Soomaaliya C/Qaadi Shariif Sheekhunaa Maye oo shirka furay ayaa sheegay inuu ahmiyad ballaaran u leeyahay kulankan dhammaan ka qayb galayaasha,isagoo wakiillada maamullada dalkana u rajeeyay inay qibradda ay halkan ka faa’iideen kula laaban doonaan goobihii ay ka yimmaaddeen.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaradda Arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim, Ayaa gabagabadii tilmaamay in ujeeddada shirkani ay tahay sidii loo mideyn lahaa shaqa maalmeedka dowladaha hoose ee dalka,taasoo waaya aragnimo ku noqon karta xubnaha wakiillada ka ah maamullada dalka.

Shirkan oo noqonaya kii Shanaad ee ugu dambeeyay ,ayaa waxaa looga hadlayay dejinta qorshe lagu tayeynayo dawladaha hoose islamarkaana lagu mideynayo maamulada degmooyinka,waxaana horay loogu qabtay shirar caynkan oo kale ah magaalooyinka Kismaayo iyo Cadaado.

SONNA/News

bay1Bay2bay3bay4bay5bay6

 

 

Previous Post

Safaaradda Soomaaliye ee Kenya oo dhar u qeybisay maxaabiis laga sii daayay xabsi ku yaalla Nairobi+Sawirro

Next Post

Golaha Wasiirada oo maanta ka dooday Amniga Dalka

Next Post
Golaha Wasiirada oo maanta ka dooday Amniga Dalka

Golaha Wasiirada oo maanta ka dooday Amniga Dalka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In