Munaasabadda dhagax dhiga xarunta dugsiga sare ee lagu wado inuu yeesho deegaanka Ceeldibir ee bariga Gobalka Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socatay Wasaaradda Waxbarashada iyo kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Dowlad gobaleedka Galmdug xubo ka socday.
Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir C/raxmaan Sheekh Xasan oo ugu horeeyn ka hadlay munaasabada dhagax dhiga ayaa sheegay in baahi dhanka waxbarashada dugsiga sare ah ay ka jirto deegaankaasi, isla markaana ka maamul ahaan ay ku wareejiyeen Wasaaradda Waxbarashada Galmdug dhulkii ay ugu tala galeen in laga dhiso xarunta Dugsiga sare ee Ceeldibir
“Dhagax dhigii dugsiga sare ee Ceeldibir ayaa halkaan nooga dhacay dhul cabirkiisu yahay 100X60 ayaana ku wareejinay Wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo Maamulka Gobalka si looga dhiso dugsiga sare ee Ceeldibir” ayuu yiri guddoomiyaha Dagmada Ceeldibir ee Gobalka Mudug C/raxmaan Sheekh Xasan.
Sidoo kale munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin horumarka dhanka waxbarashada ee ka muuqda deegaanka Ceeldibir, isagoo xusay in ka maamul ahaan ay doorkooda ka qaadan doonaan dhismaha dugsiga sare ee maanta la dhagax dhigay
Ugu danbeeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmdug Axmed Nuur Cismaan Cali ayaa ka hadlay munaasabadda dhagax dhiga, waxaana uu uga mahadceliyay maamulka iyo bulshada deegaanka Ceeldibir, dadaalka dhanka waxbarashada ee ay muujiyeen, iyadoo aysan jirin dowlad iyo cid kale oo ku gacansiisay ka Wasaarad ahaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhisi doonaan dugsiga sare ee Ceeldibir.
“Waxaan bulshada reer Ceeldibir Maanta kala wareegnay dhul dherarkiisu yahay 100 balaciisuna yahay 60 oo ay ugu tala galeen in laga dhiso dugsiga sare Ceeldibir, Insha Allah maanta ayaan dhagax dhignay dhulkaasna la wareegnay, waxaana ka faa’ideeysan doona dhismihiisa kaddib bulshada reer Ceeldibir, Wasaaradda Waxbarashaduna sida ugu dhaqsiyaha badan ayey dhisi doontaa bulshada reer Ceeldibir, waxaan uga mahad celinayaa dadaalkooda waxbarasho” Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmdug Axmed Nuur Cismaan Cali Barre
Dhagax dhiga dugsigaan sare ee Ceeldibir ayaa qeyb ka ah barnaamijka horumarinta Waxbarashada Goballada iyo degmooyinka Dowlad gobaleedka Galmudug oo ay wado Wasaaradda waxbarashada Galmudug, taasoo suurta gelisay in deegaanno fara badan oo ka tirsan mudooyinkii u dambeeyay laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo ay ugu horeeyaan kuwa dugsiyada sare.
W/D= Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)