Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramay hawlaha doorashada+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 8, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramay hawlaha doorashada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ugu qaabilsan arrimaha dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Danjire Georg Schmidt.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha doorashada Soomaaliya, dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, amniga gobolka, qaxootiga Soomaalida ee la doonayo in dib dalka loogu soo celiyo, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa iskaashiga machadyada mihnadaha laga barto si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

August 23, 2025
Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

August 23, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga ka codsadey inay salaam ka gaarsiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, dowladda iyo shacabka Jarmalka.

Danjire Schmidt oo isna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagi doonto, beesha caalamkuna oo Jarmalka ay ka mid tahay ay doorkooda ka cayaari doonaan.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.Displaying Displaying

Previous Post

Dawo Sawirrada: Furitaanka xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17

Next Post

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo maanta dhagax dhigay iskuul laga dhisayo deegaaanka Kongo+Sawirro

Next Post
Maamulka gobolka Sh/dhexe oo maanta dhagax dhigay iskuul laga dhisayo deegaaanka Kongo+Sawirro

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo maanta dhagax dhigay iskuul laga dhisayo deegaaanka Kongo+Sawirro

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD): Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta ka dhacaysa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Musharaxiin...

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo safar...

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In