Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Miudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa oggolaadey soo jeedinta magacaabista Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Magacaabista Mudane Muungaab waxaa soo jeediyay Raโiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaโarke.
Madaxweynaha oo tixraacaya soo jeedintaasi ayaa rasmi ahaan u oggolaadey una saxiixay soo jeedintaasi oo dhaqan gashey shaley oo taariikhdu ahayd 09, August, 2016.
S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015. Waxaa ka hor uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.