Shirkan oo looga hadlayay arimaha Xag jirka iyo ka hortaga Tahriibka ayna soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta oo la kaashaneesa Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Suudaan ayaa lagu marti qaaday Dowlado badan oo ay Soomaaliya ku jirto waxaana matalayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos
Wasiiru Dowlaha ayaa cadeeyay in u jeedka shirkan uu yahay sidii aragti mideesan uga qaadan lahaayeen Warbaahinta Dowladaha Carabta ee ka tirsan Jaamacada Carabta in la sameeyo Qeexitaan Cad oo ku aadan Aragagaxisonimada waxay tahay iyo waxyaabaha lagu garan karo taa oo Dowlado farabadan uu dhib ku haaayo sida Suuriya Liibiya iyo Soomaaliya ayuu yiri Wasiiru Dowlaha oo la hadalayay Warbaahinta Qaranka Xafiiska Khartuum
Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos ayaa qeexay mudada uu howsha shaqo u joogo khartuum kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareeso Wasaradda Warfaafinta Dowladda Suudaan uuna ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Suudaan Mudane Axmed Bilaal Cusmaan isagoo hadalkiisa sii wato ayuu raaciyay Biikoos in uu jiro heshiisyo horay u dhax maray labada Wasaaradood loona baahanyahay in la dar dar galiyo fulinta heshiisyadaasi ay kal hore ku wada saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay marti galisay Caasimadda Sadex Geesoodka ee Khartuum
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos ayaa ka qeeb galay Dood Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Caamaliga ee Africa loogana hadlayay arimaha argagaxisada Goob joogna ay ka ahaan Doonan Wufuud heer Caalami ah oo inta badan ay quseeso Doodan Soomaaliyana ka mid tahay Dowladaha lagu marti Qaaday Dood cilmiyeedaas ula jeedka Doodaasi ayaa ah sidii loo heli lahaa go,aan mideesan oo looga hortagi karo ariimaha xag jirnimada iyo Xakameenta Khatarta Tahriibka uu leeyahay
Waa markii ugu horeesay oo uu soo gaaro Dalka Suudaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos marka u soo idlaado safarkiisa shaqo ee uu ku joogo dalka suudaan ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.