Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso oo Daawo taariikhda S/guud Maxamed Cali Samatar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Akhriso oo Daawo taariikhda S/guud Maxamed Cali Samatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee debeda wax barasho u aadda, markay soo noqdeena iyagu dhisay ciidamadii qaranka,  21 Octoobar sanadkii 1969 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii afgembiday dowladii ra’yidka ahayd.

S/guud Maxamed Cali Samatar wuxuuna ka mid noqday golihii sare ee kacaanka raggii ugu muhiimsanaa, waa kuwii ka dhigay Soomaaliya dowlad casri ah oo la jaanqaadda nidaamkii dowliga ahaa, wuxuu waqti dheer ka ahaa dowladii kacaanka madaxwayne ku xigeenka kowaad iyo wasiirka gaashaandhigga, ugu dambayntii wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii kacaanka.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

S/Guud Maxamed Cali Samatar  wuxuu ahaa nin aad u furfur oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeysay ee Soomaali ah ee abid gaara derejada S/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaaray S/Guud Samatar wuxuu ku gaaray aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaaray xilligaas, wuxuuna ahaa kii dhisay ciidankii ugu xoogga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay In loogu yeero General kii kowaad ee Afrika.

S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa nin furfuran oo kasbada cid kasta oo ay kulmaan ama wada shaqayaan, taas ayaa waxa ay ka yeeshay nin ay aad u jecel yihiin dhamaan ciidamadii qaranka, ciidamada caadiga ahi waxay u jeclaayeen si aanay u jeclayn saraakiishii iyaga madaxda u ahayd markaas, taas oo had iyo jeer si xoog leh looga dareemi jiray ciidamada dhexdooda, sidoo kale wuxuu ahaa nin ay guud ahaan jecelaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar dhinac kasta oo laga eego wuxuu ahaa nin dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, hamigiisa keli ahina wuxuu ahaa siduu wadankiisa horumar u gaarsiin lahaa.

S/guud Maxamed Cali Samatar ayaa xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka iyadoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Cali Samatar.

maxamed cali samatar

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridi ku timid S/guud Maxamed Cali Samatar

Next Post

Fadhiga baarlamanka oo maanta looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka

Next Post
Fadhiga baarlamanka oo maanta looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka

Fadhiga baarlamanka oo maanta looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In