Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare Maamulka Puntland Oo Xilkiisa La wareegay + Sawiro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 21, 2016
in Wararka
0
Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare Maamulka Puntland Oo Xilkiisa La wareegay + Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025

Madaxweyne kuxigeenka dawlad goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 21 Agoosto, 2016 xarunta Maxakamadda Sare ee dawladda Puntland kaga qayb galay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare iyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Puntland.

Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda dawladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac, guddoomiyaha Maxakamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur, guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Cabdilqaadir Shiikh Maxamuud, guddoomiye kuxigeenka maxakamadda Sare iyo dhammaan xubnaha Maxkamadda sare ay ka kooban tahay.

Guddoomihii hore ee Maxakamadda sare ayaa ka sheekeeyey horumarrada ay samaysay Maxkamaddu muddadii uu xilka hayey gaar ahaan tababarada qaadiyada, tayaynta iyo qalabaynta xafiisyada iyo gaadiidka ay heshay maxkamaddu si ay hawleheeda u gudato, sidoo kale waxa uu ka warramay caqabadaha la soo gudboonaadey muddadii ay shaqada hayeen.

Guddoomiyaha Cusub ee maanta xilka la wareegey Yuusuf Xaaji Nuur ayaa xusay in uu hore Maxkamaddaan uga soo shaqeeyey isla markaana uu fahamsan yahay horumarrada uu samayn karo iyo caqabadaha ka hor imaan kara, balse waxaa uu ka codsaday xukuumadda in ay si buuxda ula shaqayso Maxkamadda Sare si habsami u socodka shaqu uu dar-dar u yeesho, waxaana uu ballan qaaday in uu meel wanaagsan gaarsiin doono Maxkamadda Sare ee Puntland.

Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha Maamul goboleedka Pultland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare dadaalka uu muujiyey muddadii uu shaqada hayey, waxaana uu guddoomiyaha cusub kula dar-daarmay in uu u caddaalad sameeyo ummadda kana dhabeeyo masuuliyadda uu qaaday.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa munaasabadda xil-wareejinta ka sheegay in ay xukuumaddu si buuxda ula shaqayn doonto Maxkamadda Sare, wax walba oo dhinaca xukuumadda kaga xirmana ay xukuumaddu fududayn doonto balse looga baahan yahay in Maxkamaddu ay marwalba caddaaladda ku taagnaato.

pu1pu2pu3pu4pu5pu6

Previous Post

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Booqday Degmada Luuq

Next Post

Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gaalgacyo

Next Post
Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gaalgacyo

Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gaalgacyo

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

Boqorka dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHIO: Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka Scandanevian-ka Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay –...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In