Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare Maamulka Puntland Oo Xilkiisa La wareegay + Sawiro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare Maamulka Puntland Oo Xilkiisa La wareegay + Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026

Madaxweyne kuxigeenka dawlad goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 21 Agoosto, 2016 xarunta Maxakamadda Sare ee dawladda Puntland kaga qayb galay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare iyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Puntland.

Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda dawladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac, guddoomiyaha Maxakamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur, guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Cabdilqaadir Shiikh Maxamuud, guddoomiye kuxigeenka maxakamadda Sare iyo dhammaan xubnaha Maxkamadda sare ay ka kooban tahay.

Guddoomihii hore ee Maxakamadda sare ayaa ka sheekeeyey horumarrada ay samaysay Maxkamaddu muddadii uu xilka hayey gaar ahaan tababarada qaadiyada, tayaynta iyo qalabaynta xafiisyada iyo gaadiidka ay heshay maxkamaddu si ay hawleheeda u gudato, sidoo kale waxa uu ka warramay caqabadaha la soo gudboonaadey muddadii ay shaqada hayeen.

Guddoomiyaha Cusub ee maanta xilka la wareegey Yuusuf Xaaji Nuur ayaa xusay in uu hore Maxkamaddaan uga soo shaqeeyey isla markaana uu fahamsan yahay horumarrada uu samayn karo iyo caqabadaha ka hor imaan kara, balse waxaa uu ka codsaday xukuumadda in ay si buuxda ula shaqayso Maxkamadda Sare si habsami u socodka shaqu uu dar-dar u yeesho, waxaana uu ballan qaaday in uu meel wanaagsan gaarsiin doono Maxkamadda Sare ee Puntland.

Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha Maamul goboleedka Pultland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare dadaalka uu muujiyey muddadii uu shaqada hayey, waxaana uu guddoomiyaha cusub kula dar-daarmay in uu u caddaalad sameeyo ummadda kana dhabeeyo masuuliyadda uu qaaday.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa munaasabadda xil-wareejinta ka sheegay in ay xukuumaddu si buuxda ula shaqayn doonto Maxkamadda Sare, wax walba oo dhinaca xukuumadda kaga xirmana ay xukuumaddu fududayn doonto balse looga baahan yahay in Maxkamaddu ay marwalba caddaaladda ku taagnaato.

pu1pu2pu3pu4pu5pu6

Previous Post

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Booqday Degmada Luuq

Next Post

Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gaalgacyo

Next Post
Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gaalgacyo

Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gaalgacyo

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee...

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

February 26, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In