Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 6 kun oo laga badbaadiyay xeebaha Libya-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
In ka badan 6 kun oo laga badbaadiyay xeebaha Libya-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhowaad 6,500 oo muhaajiriin ah ayaa maraakiibta ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga waxaa ay ka badbaadiyeen xeebaha dalka Libya gaar ahaan meel 20 km u jirta magaalada Sabratha ee dalkaas.

Ilaa 40 howlo gurmad ah oo isku dubad ridan ayaa la sameeyay, iyadoo saraakiisha ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ย ay sheegeen in howlgalkan uu ahaa kii ugu weynaa mudooyinkan ay qabtaan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka ๐— ๐—ฉ ๐—Ÿ๐—”๐—ง๐—จ๐—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka ๐— ๐—ฉ ๐—Ÿ๐—”๐—ง๐—จ๐—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Tahriibiyaashan ayaa sida la sheegay waxaa ay u badnaayeen dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, ayagoo markii ay arkeen maraakiibta u soo gurmatay ay si weyn ugu farxeen isla markaana ay u soo dabaasheen dhanka maraakiibta, halka kuwo kale oo carruurtooda sitayna ay saarnaayeen doonyihii ay ku safrayeen.

Maalintii Axadda in ka badan 1,100 oo tahriibiyaal ah ayaa laga badbaadiyay isla goobtaan, iyadoo gurmadka dadkan loo fidiyay sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen heyโ€™adda xuduudaha ee midowga Yurub ee loo yaqaano Frontex, ururka Proactive Open Arms iyo heyโ€™adda MSF kuwaas oo caawinaya dadka muhaajiriinta ah.

Xasilooni laโ€™aanta ka jirta dalka Libya ayaa waxaa ay ka dhigtay in ay marin uu u noqdo tahriibiyaasha ka imaanaya woqooyiga Afrika isla markaana ku taamaya in ay u gudbaan qaaradda Yurub.

Tahriibiyaasha ayaa waxa ay soo raacaan doonyo aad u buux dhafay oo aan u qalmin safar badda ah lagu galo, hase yeeshee waxaa inta badan gurmad u fidiya maraakiibta ilaalada dalka Talyaaniga, sida ay soo warisay wakaaladda AP.

Boqolaal kamid ah tahriibiyaasha ku biimaynaya naftooda safarada khatarta badan ee badda Mediterraneanย ee u dhexeysa qaaradda Afrika iyo Yurub ayaa u jeedkoodu yahay in ay helaan nolal ka wanaagsan tii ay wadankooda ku heysteen.

_90963920_mediaitem90963919 _90963928_mediaitem90963927 _90963932_mediaitem90963931

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 30-8-2016

Next Post

Maamul jubaland oo hakinaayo qaxootiga ka soo laabanaayo dhadhaab..

Next Post

Maamul jubaland oo hakinaayo qaxootiga ka soo laabanaayo dhadhaab..

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka ๐— ๐—ฉ ๐—Ÿ๐—”๐—ง๐—จ๐—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka ๐— ๐—ฉ ๐—Ÿ๐—”๐—ง๐—จ๐—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka ๐— ๐—ฉ ๐—Ÿ๐—”๐—ง๐—จ๐—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In