Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada XDS oo howlgallo ka wada deegaanka Lambar 50 ee Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 31, 2016
in Wararka
0
Ciidamada XDS oo howlgallo ka wada deegaanka Lambar 50 ee Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka laga helaayo deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegayo in cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo garab ka helayo kuwa AMISOM ay howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada howlgalka ka wado deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen 10 ruux oo la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin nabad diidka Al-shabaab, waxa ayna xuseen in ay sii wadi doonaan howlgallada inta laga xaqiijinaayo amniga islamarkaana laga suulinaayo haraadiga nabad diidka ee ku dhuumaaleysanayo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Shabeellada Hoose.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Saraakiisha ayaa sidoo kale shacab weynaha ku dhaqan deegaanada gobolka Shabeellada Hoose waxa ay ugu baaqeen in ay kala shaqeeyaan amniga si looga hortago qatarka kooxaha qaswadayaasha ah ee ku howlan carqaladeynta amniga iyo kala danbeynta.

Shalay ayey aheyd markii maleyshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ay dagaal ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada iyo dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa goobta dirirtu ka dhacday.

Previous Post

Mas’uuliyiinta wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka tacsiyeeysay geerida Cali Dheere

Next Post

Madaxda wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeysay geerida Marxuum Cali Dheere

Next Post
Madaxda wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeysay geerida Marxuum Cali Dheere

Madaxda wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeysay geerida Marxuum Cali Dheere

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In