Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka oo maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday IGAD+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka oo maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday IGAD+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka urrur goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Afey, kulanka oo looga hadlay maamul u sameeynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa waxaa kasoo qeybgaleen qaarkamid ah xubnaha golaha Wasiirada.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in labada gobol ay yeeshaan maamul ay shacabka raali ka yihiin doorashooyinka dalka ka hor.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

‘’Dadka dega Hiiraan iyo Shabeelada dhexe wax xaq u leeyihiin in ay yeeshaan maamul ku yimaada rabitaankooda inta aan la gaarin doorashooyinka, si dadkaasi ay qeybtooda uga qaataan doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan, islamarkaana dadka ku nool labada gobol ay ka helaan dowladda dhexe caawinaada iyo adeegyada ay helaan maamulada kale ee dalka ka jira’’.

Mudane Carteh ayaa sheegay in howlaha fududeynta ah ee maamul u sameynta labada gobol ay xukuumadda u xilsaaraty kana caawin doonaan urrur goboleedka IGAD, wuxuuna ku booriyay wakiilka IGAD ee Soomaaliya Mudane Maxamed Afey in sida uga dhaqsiyaha badan loo bilaabo howlaha maamul u sameynta ee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

‘’Xukuumaddu waxey u xilsaartay fududeynta howlaha maamul u sameynta labada gobol urrur goboleedka IGAD, waxaana ku boorinayaa in IGAD ay sida uga dhaqsiyaha badan u bilawdo maamul u sameynta labada gobol ayadoo caawin doonta garabna istaagi doonta Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka’’

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Mudane Carteh ayaa ku dhawaaqay in 3 bisha September la bilaabi doono shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

unnamed (1) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

 

Previous Post

R/wasaare ku xigeenki W/Kuuriya oo la toogtay kaddib markii uu amray madaxweynaha dalkaasi

Next Post

R/wasaare ku xigeenka oo la kulamay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku xigeenka oo la kulamay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM+Sawirro

R/wasaare ku xigeenka oo la kulamay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In