Daraasad cusub oo laga sameyay habka tinta loogu beero dadka bidaarta leh, ayaa soo saartay natiijo rejagelisay dadka bidaarta ka cawda ee doonaya in tin loo beero.
Daraasadda ayaa muujisay in ragga bidaarta leh ee doonaya intin loo beero, si ay isu dhalinyareeyaan ama ay isu qurxiyaan ay arintaasi ku guuleysan karaan.
Drs Liza ach, oo darsaadka Cilmibaarista ka diyaarisa Jaamacad kutaala dalka Mareykanka ayaa sheegtay in marka qofka bidaarta leh tinta loo beerayo la maro talaabooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay, in unugyada tinta lagasoo qaado qeybta danbe ee madaxa si loogu buuxiyo meelaha ay bidaarto cadeysay, waxaynay intaa ku dartay in arintani ay aheyd mid adag oo sanado ku qaadatay hase yeeshee ay ku guuleysteen in qofka muuqaalkiisu is bedelo kadib marka tinta loo beero.
Drs Liza, ayaa cadeysay inay sawiro ay ka qadeen rag badan oo bidaar lahaa kahor inta aan tinta lagu beerin kadibna ay isbarbar dhigeen sawirkii bidaarta lahaa iyo kii tinta lagu beeray iyagoo fiirinaya farqiga u dhexeeya labada sawir oo isku qal qof ah.
Inta badan dakii aragtidooda ka dhiibtay is barbardhiga labada muqaal ayaa isku raacay in sawirka ninka marka tinta loo beeray uu u muuqdo da,ahaan afar ama shan sano inuu ka yaryahay mid ka bidaarta leh isla markaana uu kasoo jiidasho badanyahay marka la isu fiiriyo labada sawir.