Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulan looga Hadlayay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qaybgalka siyaasadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Ujeedka kulanka ayaa ahayd xoojinta helista Qoondada Haweenka ee boqolkiiba Sodon, iyadoo ay ka qaybgaleen xildhibaanada haweenka ee ku Jira Barlamaanka Soomaaliya iyo haween matalayay Bulshada rayidka ah.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Ha’adda IIDA ayaa waxaa ka hadlay duniya Maxamad Cali oo Sheegtay in kulankan uu qeyb ka yahay dadaallo Haweenka ay ku doonayeen inay helaan doorkooda ku aaddan Ka qaybgalka siyaasadda dalka .
Waxaa ay dalbatay in la hirgaliyo qoondada Haweenka ee Boqolkiiba Sodon, taasi oo soo bilaabatay 2012-kii, aydoo tilmaantay in qorshaha loo dhaqangaliyo si la mid ah sida uu u meelmaray awood qaybsiga 4.5 ee ay wax ku qaybsadaan qabaa’ilada Soomaalida .
Xildhibaan Khadiija Maxamad Diiriye oo ka mid ah Munadayaasha Barlamaanka Soomaaliya oo Madasha ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay shaki ka muujinayaan hirgalinta Qoondada Haweenka, taasi oo lagu Caddeeyay shirkii madasha Hogaamiyayaasha Qaran iyo Maamul Goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho .
Qodobadii laga soo aaaray shirkaasi waxaa ka mid ahaa
1- In la soo hor mariyo qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelanayaa Xubnaha labada aqal
2-Iin ergada 51 Xubnood ee aqalka hoose lagu dooranaayo haweenka laga daayo.