Shirka maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu wadaa maanta in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Jowlhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe..
Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu maalinta Sabtiga ah ee taariijhdu ku beegantahay 3-da Sep. uu ka furmaayo magaalada Jowhar.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney gaaraan magaalada Jowhar si ay u furaan wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol.
R/wasaare ku xigeenka iyo sidoo kale wakiilka urur goboleedka IGAD ayaa dhawaan shaaciyay in maanta oo sabti ah uu shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu ka furmidoono magaalada Jowhar.