Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Daawo Sawirrada: Jaamacadda SIU oo ay ka qalin-jebisay arday badan oo ay Dhakhaatiir ku jiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Daawo Sawirrada: Jaamacadda SIU oo ay ka qalin-jebisay arday badan oo ay Dhakhaatiir ku jiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya ‘SIU’ shalay oo Sabti ah ka qalan jebiyey arday dhan 533 arday, kuwaasi oo bartay lix kuliyadood oo ay Jaamacadasi ka kooban tahay, waxaana ku jira dhakhatiir gudaha iyo dibbadda Jaamacadda waxbarashadooda ku soo qaatay.

Waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya oo wasiiro iyo Xubno ka tirsan Barlamanka leh iyo wakiilada Jaamacada Shan  ah (5) oo ay jaamacada SIU xiriir dhaw oo dhanka waxbarashada la leh kuna yaala dalalka Kenya iyo Uganda, waxaa ka socday 11- Xubnood oo uu jira wasiir.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Ardada ka qalin jebinaysa waxaa ku jira xubno hadda wasiiro ka ah dawlad-gobaleedyada, Maamulada, iyo diplomasiyiin iyo hawl-wadeena ku dhex muuqdo adeegyada bulshada oo dhan.

Gudoomiyaha gobalka Shabelaha Dhexe, Cali Cabdullahi Xuseen ayaa ku hadlay magaca ardada oo dhan ee ka qalin-jebinaysay Jaamacadda, waxa uuna ka sheekayey daruufaha ay ardada wax ku soo barteen.

“Waxa aan kamid ahaa ardada fasalka soo xaadiri jirtay ee Jaamacada SIU ka hor inta aan la ii magacabin gudoomiyaha maamulka gobalka Shebelaha Dhexe, waxan is iri amaadan isku wadi Karin mas’uuliyada iyo waxbarashada balse maamulka Jaamacadda ayaa igu dhiiri geliyey in aan wakhtigayga qaybsan karo, waxbarashadana wadi karo, aad bay farxad iigu tahay maanta”.

Guudlaawe waxa uu sidoo kale sheegay in ardada ay daruufo adag wax ku soo barteen, oo ay adkayd in Jaamacada gaaraan wakhtiga waxbarashada.

Wasiirka Ganacsiga dawlada Soomaaliya, Mudane C/rashiid Maxamed Axmed ayaa bogaadiyey ardada qalin jebinaysa, waxa uu uga mahad naqay maamulka Jaamacada dadaalkooda ku aadan in ay soo saaraan arday tayo leh oo ah hogaanka maanta iyo kan mustaqbalkaba.

“Jaamacadda mudada ay jirto iyo masaafaha ay soo jirtay wax isu dhaw ma ahan, waa wax lagu farxo, mana jirto intaan marti ah oo Ajnabi ah madal la’isugu keenay, waxaana ku mahadsan maamulka Jaamacadda SIU oo cilaaqaadkaas sameeyey”, Sidaa waxaa yiri wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Gudoomiyaha Jaamacada SIU, Dr. C/raxmaan Jaamac Ducaaale ayaa sheegay in Jaamacada ay ka go’an tahay sare u qaadida tayeynta tacliinta sare ee dalka, wuxuuna hambalyeeyey dufcada 1-aad ee Jaamacadda ka qalin jebisay.

Gudoomiyaha golaha sare Jaamacada SIU, Prof. Yaxye Cali Ibrahim ayaa khudbad ka jeediyey xaflada, waxana uga dambeyn sambalo Shahaado ah la gudoonsiiyey qaar kamida ardada qalin-jebinaysay, waxaa sidoo kale abaal marino qaali ah la gudoonsiiyey martida ka kala socotay Jaamacadaha ka ah:- Makareera University, University of Nairobi, Kenyatta University, Mbarara University iyo Gulu University.

DSC00597DSC00661DSC00663DSC00668DSC00671DSC00760DSC00764DSC00766DSC00782DSC00792DSC00813DSC00814DSC00816DSC00824DSC00828DSC00830DSC00833DSC00865DSC00867

W/D: Maxamed Cismaan Cabdi “Black Cobra”

Previous Post

Daawo Sawirrada: Munaasabad lagu xusayay sanad guuradi maamulka Galmudug oo lagu qabtay Minnesota

Next Post

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow iyo Eng. Yariisoow oo lagu soo dhaweeyay Khartuum+Sawierro

Next Post
Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow iyo Eng. Yariisoow oo lagu soo dhaweeyay Khartuum+Sawierro

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow iyo Eng. Yariisoow oo lagu soo dhaweeyay Khartuum+Sawierro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In