Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya oo ka hadlay Xaalada Xaafada Islii ee Dalka Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya oo ka hadlay Xaalada Xaafada Islii ee Dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu ganacsadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, lana dhowro sharciyada wadanka Kenya.

Kaddib shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, mudane Jamaal Maxamed Xasan ayuu kaga hadlay xirnaashiyaha ganacsi ee maalmihii dambe ka jira xaafadda Soomaalidu ay degto ee Islii.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Danjire Jamaal ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwa ganacsatada ah ku booriyay in ay amniga xaafadda Islii ka shaqeeyaan, ayna u hoggaansamaan shuruucda dowladda Kenya.

“Runtii waxaan rabaa waxyar in aan ka hadlo sida aad maqasheen suuqa Islii maalmahaanba waa xirnaa, oo arrimo yar oo ganacsatada dhaxdooda oo kuwa waratada iyo kuwa dukaamadda leh, waxaan rabaa in aan u mahad naqo dowladda Kenya sida ay arrintaan u soo dhax gashay, wax uga qabatay, runtii aad iyo aad bay u mahadsanyihiin” ayuu yiri Danjire Jamaal.

Danjire Jamaal ayaa rajo wanaagsan ka muuujiyay in la xalliyo khilaafka u dhaxeeya ganacsatada waratada ah iyo kuwa waaweyn, wuxuuna ballan qaaday in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay caawin doonto cidka kasta oo Soomaaliyeed oo wax uga baahata safaaradda.

Afartii maalin ee u dambeysay ayaa jahwareer ganacsi waxa uu ka jiray xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, taasi oo sababtay in ciidamo badan lagu soo daadiyay xaafadda, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

14249304_1178741515530614_359156974_n14249304_1178741515530614_359156974_n

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamanka oo la kulmay haweenka ku jira Baarlamanka F. S.

Next Post

Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Next Post
Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In