Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya oo ka hadlay Xaalada Xaafada Islii ee Dalka Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya oo ka hadlay Xaalada Xaafada Islii ee Dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu ganacsadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, lana dhowro sharciyada wadanka Kenya.

Kaddib shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, mudane Jamaal Maxamed Xasan ayuu kaga hadlay xirnaashiyaha ganacsi ee maalmihii dambe ka jira xaafadda Soomaalidu ay degto ee Islii.

Related posts

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

April 15, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026

Danjire Jamaal ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwa ganacsatada ah ku booriyay in ay amniga xaafadda Islii ka shaqeeyaan, ayna u hoggaansamaan shuruucda dowladda Kenya.

“Runtii waxaan rabaa waxyar in aan ka hadlo sida aad maqasheen suuqa Islii maalmahaanba waa xirnaa, oo arrimo yar oo ganacsatada dhaxdooda oo kuwa waratada iyo kuwa dukaamadda leh, waxaan rabaa in aan u mahad naqo dowladda Kenya sida ay arrintaan u soo dhax gashay, wax uga qabatay, runtii aad iyo aad bay u mahadsanyihiin” ayuu yiri Danjire Jamaal.

Danjire Jamaal ayaa rajo wanaagsan ka muuujiyay in la xalliyo khilaafka u dhaxeeya ganacsatada waratada ah iyo kuwa waaweyn, wuxuuna ballan qaaday in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay caawin doonto cidka kasta oo Soomaaliyeed oo wax uga baahata safaaradda.

Afartii maalin ee u dambeysay ayaa jahwareer ganacsi waxa uu ka jiray xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, taasi oo sababtay in ciidamo badan lagu soo daadiyay xaafadda, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

14249304_1178741515530614_359156974_n14249304_1178741515530614_359156974_n

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamanka oo la kulmay haweenka ku jira Baarlamanka F. S.

Next Post

Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Next Post
Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

April 15, 2026
0

Xildhibaanada haweenka ah ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), oo ay hoggaamineyso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In