Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xiisad colaadeed oo ka jirta deegaanka Sarjanaale ee gobolka Mudug

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Xiisad colaadeed oo ka jirta deegaanka Sarjanaale ee gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka ay xiisad colaadeed ka taagan tahay deegaanka Sar-Janaale oo qiyaastii 50 km dhanka bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdi Sheekh Xuseen oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkaas uu ka bilowday xoolo la kala dhacay isla markaana uu halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo deegaankaas wada dega.

Related posts

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

October 16, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

October 16, 2025

Tiro dhimasho iyo dhaawac ah oo u badan dhinacyadii dagaalka uu dhexmaray ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaas uu ka dhashay inkastoo ilaa iyo hadda aan la heynin tirada khasaaraha ah ee dagaalka uu dhaliyay.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee gobolka Mudug C/risaaq Maxamed Axmed ayaa soo sheegaya in saaka xaaladda deegaanka ay tahay mid degan oo aan wax iska hor imaad ah aysan ka jirin, inkastoo waqti kasta la filan  karo in mar kale dagaalka uu dib u bilowdo maadaama maleeshiyaadkii shalay dirirta dhexmartay ay wali halkaas isku hor fadhiyaan.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax waan waan ah oo lagu daminayo dagaalka shalay ka bilowday deegaanka Sar Janaale ee hoos yimaadka degmada Gaalkacyo, wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay ku lug leeyihiin maamulada Galmudug iyo Puntland, hase yeeshee ma jiro wax war ah oo labada dhinac ka soo baxay oo warkaas xaqiijinaya.

Previous Post

Shir ka hortagga argagaxisada looga hadlayay oo Suudaan lagu qabtay-Sawirro

Next Post

Shirka madasha wadatashiga qaran oo maanta furmey

Next Post
Shirka madasha wadatashiga qaran oo maanta furmey

Shirka madasha wadatashiga qaran oo maanta furmey

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

October 16, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanadda Soomaaliya...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda...

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

October 16, 2025
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In