Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xiisad colaadeed oo ka jirta deegaanka Sarjanaale ee gobolka Mudug

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Xiisad colaadeed oo ka jirta deegaanka Sarjanaale ee gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka ay xiisad colaadeed ka taagan tahay deegaanka Sar-Janaale oo qiyaastii 50 km dhanka bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdi Sheekh Xuseen oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkaas uu ka bilowday xoolo la kala dhacay isla markaana uu halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo deegaankaas wada dega.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Tiro dhimasho iyo dhaawac ah oo u badan dhinacyadii dagaalka uu dhexmaray ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaas uu ka dhashay inkastoo ilaa iyo hadda aan la heynin tirada khasaaraha ah ee dagaalka uu dhaliyay.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee gobolka Mudug C/risaaq Maxamed Axmed ayaa soo sheegaya in saaka xaaladda deegaanka ay tahay mid degan oo aan wax iska hor imaad ah aysan ka jirin, inkastoo waqti kasta la filan  karo in mar kale dagaalka uu dib u bilowdo maadaama maleeshiyaadkii shalay dirirta dhexmartay ay wali halkaas isku hor fadhiyaan.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax waan waan ah oo lagu daminayo dagaalka shalay ka bilowday deegaanka Sar Janaale ee hoos yimaadka degmada Gaalkacyo, wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay ku lug leeyihiin maamulada Galmudug iyo Puntland, hase yeeshee ma jiro wax war ah oo labada dhinac ka soo baxay oo warkaas xaqiijinaya.

Previous Post

Shir ka hortagga argagaxisada looga hadlayay oo Suudaan lagu qabtay-Sawirro

Next Post

Shirka madasha wadatashiga qaran oo maanta furmey

Next Post
Shirka madasha wadatashiga qaran oo maanta furmey

Shirka madasha wadatashiga qaran oo maanta furmey

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In