Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhisa dalka Pakistan marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa kulan la yeelatay wasiirka waxbarashada dalkaas Muhammad Baligh-ur-Rehman, ayagoo ka wada hadlay arimo ah kamid tahay xoojinta xiriirka labada dalka gaar ahaan dhanka waxbarashada.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale, wadahadalkooda waxaa ay diiradda ku saareen dib u soo nooleynta heshiisyadii waxbarasho ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Pakistan kaas oo ay wada gaareen muddo 30 sano ka hor ah.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Pakistan ayaa waxaa ay wasiirka waxbarashada ka codsatay in dowladda Pakistaan kordhiso tirada deeqaha waxbarasho ay siiyo Soomaaliya isla markaana la joogteeyo xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya wasaaradaha waxbarashada dalalka Soomaaliya iyo Pakistaan

Kulanka ay wada yeesheen danjiraha Soomaaliya ee dalka Pakistaan iyo wasiirka waxbarashada ee dalkaa ayaa sidoo kale, waxaa goob joogka ahaa xubno ka tirsan guddiga tacliinta sare ee dalkaas oo loo soo qaabiyo HEC iyo xoghayaha joogtada ah ee safaaradda Soomaaliya ee magaalada Islamabad C/laahi Xaaji Daa’uud.

Wasiirka waxbarashada dalka Pakistaan, Muhammad Baligh-ur-Rehman, ayaa amaanay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas wax ka barata, isagoo sidoo kalena soo dhoweeyay codsiga Soomaaliya ugu yimid dalkiisa.

Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya u fadhisa dalka Pakistaan Marwo Khadiija Al-Makhzuumi ayaa sidoo kale kulan la yeelatay wasiirka caafimaadka ee dalkaas, Saira Afzal, iyadoona Marwo Makhzuumi ka codsatay wasiirka in ardayda Soomaaliyeed la siiyo tababaro caafimaadka marka ay dhameystaan waxbarashada jaamacadaha.

Dalka Pakistaan ayaa waxaa wax ku bartay boqolaal arday Soomaaliyeed halka tiro kale oo aad u bandanna ay ka soo baxeen jaamacadaha kala duwan ee dalkaas ayagoo diyaariyay kuliyadaha kala duwan sida caafimaadka, dhaqaalaha, Engineer, xiriirka caalamiga ah, siyaasadda iyo kuwo kale oo badan.

KHADIJA_WAS_PAK (1) KHADIJA_WAS_PAK (2) KHADIJA_WAS_PAK (3) KHADIJA_WAS_PAK (4) KHADIJA_WAS_PAK (5)

Previous Post

QM: Ku dhowaad 50 m oo carruur ah ayaa qaxooti ku ah aduunka

Next Post

Arday dhameysatay barashada Qur’aanka kariimka ah oo la abaalmariyay-Sawirro

Next Post
Arday dhameysatay barashada Qur’aanka kariimka ah oo la abaalmariyay-Sawirro

Arday dhameysatay barashada Qur’aanka kariimka ah oo la abaalmariyay-Sawirro

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In