Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM: Ku dhowaad 50 m oo carruur ah ayaa qaxooti ku ah aduunka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
QM: Ku dhowaad 50 m oo carruur ah ayaa qaxooti ku ah aduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhowaad 50 million oo carruur ah oo aduunka ku kala nool ayaa ah kuwo ka gudbay xuduuda wadamadooda ama waa ku colaadaha ay ku qasbeen in ay ka barakacaan deegaankooda, sida lagu sheegay warbixin dhowaan soo saartay QM.

Warbixintan ayaa waxaa soo aruurisay laanta qaramada midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, waxayna sheegaysaa in in ka badan nus milyan oo carrur ah ay ka qaxeen rabshado iyo amni la’aan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Tirada Carruurta soo koreysay ayaa  isku dheeli tir la’aan ka dhigaysa marka loo eego kuwa qaxootiga ah, waxayna taasi tahay in sadex dalool tirada dadka aduunka ay yihiin carruur oo nus kamid ah tiradaasna yihiin qaxooti.

Warbixintan gaarka ah ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay dalalka Suuriya iyo Afghanistan carruurta qaxootiga ah ee ka timid ay tahay nus kamid ah marka loo barbardhigo 10 sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay laanta qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Unicef ayaa warbixintan soo saartay todobaadyo ka hor inta uusan  furmin shirka golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay, kaas oo madaxda la filayo in ay diiradda ku saaraan xal u helidda dhibaatooyinka daba dheeraaday ee ka jira dalalka Syria, Yemen, Afghanistan, Suudaanta koofureed iyo xasaradaha ka jira qeybo kamid ah bariga dhexe.

“Carruurta mas’uul kama ahan qaraxyada, rasaasta, burcada hubeysan, xadgudubyada, baab’inta dalagyada  iyo hoos u dhaca dakhliga maalinlaha ee qoyska oo keentay in guriyahooda ka cararaan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa tibaaxday in Turkiga uu martigeliyay tiradii ugu badneynd ee qaxooti ah kuwaas oo ka cararay dalka Suuriya, sidoo kalena noqoneysa tiro aad u badan oo carruur qaxooti ah. Dalka Lubnaan ayaa sidoo kale waxaa uu hoysiiyay qaxooti Suuriyaan ah taas oo qiyaastii ka dhigaysa shantii qofba uu mid kamid ah uu yahay qaxooti.

 

 

Previous Post

Cayaaraha dadka naafada ee Paralympics oo caawa furmi doono-Daawo sawiradda

Next Post

Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro

Next Post
Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro

Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In