Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

caqiil by caqiil
September 13, 2016
in Wararka
0
Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababar ay fulinayaan Engineero Militiri oo ka kala socda Qaramada midoobay iyo midowga Afrika ayaa magaalada Mqudisho laga bilaabay, kaas oo socon doona labo maalin, waxaana uu ku saabsan yahay dardargelinta la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Engeerada ka socda howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, dowladda Bratain iyo xafiiska taageerada qaramada midoobay ee Soomaaliya ayagoo AMISOM siin doona awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan ururka Al-shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa xirfad militiri.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya , Ambassador Francisco Caetano Madeira, oo furitaanka tababarkan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qorshahan Engineeriyada ku saabsan uu ahaado mid hubinaya wax tarka taageerada la siiyo howlgalka AMISOM ee ku aadan dagaalka Al-shabaab uu kula jiro.

“Waan hubaa in dhammaantiin aad ogtihiin ahmiyadda Engineeriyadda uu ku leeyahay howlgalada militiri,” ayuu ku yiri  Madeira war-saxaafadeed laga soo saaray xafiiskiisa Muqdisho.

“Doorka arintan ayaa waxaa kamid ah dagaalada, ku lug lahaanshaha dejinta qorshaha, dhismiyaasha, rakibaada qalabka, qorsheynta dhaqdhaqaaqyada, amniga iyo xasiloonida iyo arimo kale oo muhiim ah. Sababtaas ayaana ah sida uu muhiim ugu yahay howlgalkan sanadkan soo socda,” ayuu markale yiri.

Engireerada  militir sidoo kale waxaa ay sameyn doonaan fekir aruurin ku saabsan sida loo dardargelin karo howlgalada iyo sidii loo sameyn lahaa qorshe cusub oo lagu soo kordhinyo howlgalka AMISOM, waxaana sidoo kale dib u eegis lagu sameyn doonaa sida AMISOM hadda ay u fuliso howlgaladeeda isla markaana loo horumarin lahaa qorshaha AMISOM sanadka 2017.

“Siminaarkan waxaa uu na siinayaa madal aan isku dhaafsano khibrad. Waxaa balan qaadaynaa in aan la nimaadno qorshe is faham ku dhisan oo keeneysa in AMISOM ay awood u hesho dhammaan waxyaabaha ay u baahan tahay,” ayuu sheegay AMISOM Engineer Col. Kazela Kazela.

Isagoo sidoo kale, xusay in Engineeriyadda ay tahay arin muhiim u ah ciidanka isla markaana waqtigan ay ahmiyad kale leedahaya.

“Sida aad ka war qabtaan, Soomaaliya dhowaan waxaa ka qabsoomi doonta doorashooyin AMISOM oo kaashanaysa dowlada Soomaaliya waxaa ay ku leeyihiin door muhiim ahSomalia. Anaga door keena waa xaqiijinta iyo hubinta bad qabka meelaha doorashada lagu qaban doono. Engineeriyadana waxaa lagu sheegaa in ay leedahay door weyn waana arin horey loo qabtay,” ayuu sheegay ambassador  Madeira.

 

Previous Post

Shir madaxeedka IGAD oo Muqdisho ka furmaya

Next Post

Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)

Next Post
Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)

Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya...

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

July 31, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Jakarta...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

July 31, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Guddoomiyaha Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In