Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gaaray magaalada Hague ee dalka Holland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gaaray magaalada Hague ee dalka Holland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa soo gaaray dalka Holland, halkaas oo lagu wado in maalinta berri ay ka furanto dacwadda la xiriirta  xadgudubka Kenya ee badda Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha oo Warbaahinta Qaranka kula hadlayey garoonka Schipol Airport, wuxuu sheegay in kulanka lagu wado in maalinta berri ah [19/09/2016] ka dhici doono Maxkamadda Caalamiga ah ee [Hague] uu ku saabsan yahay dhageysiga is-hortaaga Kenya ee ku aadan  sii socoshada dacwadda, wuxuuna intaasi raaciyey in kulanka berri bilowda uu socon doono muddo saddex cisho ah, lana soo gabagabeyn doono maalinta Khamiista ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

“Dulucda Dacwadda weli lama gaarin, kulanka berri Maxkamaddu waxeey ku dhageysaneysaa dooda Kenya ay ku hor istaageyso in Dacwadu sii socoto & dowladda Soomaaliya oo sheegtay  in aysan dooneyn in ay wax wadahadalo ah kala gasho Kenya arrintaas” Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir, wuxuuna intaasi raaciyey in dowladda Soomaaliya dhinaceeda ay u dhammeystirtay wufuudii ka qeybgaleysa kulamadaasi dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin.

“Garyaqaanka Kenya ayaa maalinta berri hadalo ka jeedinaya Maxkamadda, annagu maalinta Talaaddada ah ayaanu ka hadli doonaa, waxaanna 100% rajo wanaagsan ka qabnaa in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto dacwadda, waana sidaa sida saxda ah marka laga eego sida sharciga caalamiga ah uu dhigayo” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Xeer Ilaaliye Dr. Axmed Cali wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka soo qaadin dooda Kenya ee ku saabsan in arrintaasi ay kala hadlayaan Dowladda Soomaaliya.

“Kenya waxeey tiri muranka badda waxaa ka  wadahadlaya Kenya & Soomaaliya, looma baahna in Maxkamadda caalamigu soo farageliso, Dowladda Soomaaliyana arrintaasi gaashaanka ayeey u daruurtay,  maadaama kulamo badan oo labadda dal horay u dhexmartay lagu guuleysan waayey” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka, wuxuuna intaasi raaciyey in wefdigiisa ay maanta gelinta dambe & caawa ku soo biiri doonaan xubno kale oo ka kala socda Dowladda, ururada bulshada & aqoonyahanno.

IMG_0595 IMG_0596 (1)

IMG_0596 (1)

Previous Post

Daawo Sawirrada: Qarax geystay waxyeello oo ka dhacay New York

Next Post

Daawo Sawirrada: Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo booqday dadkii dib uga soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Kenya

Next Post
Daawo Sawirrada: Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo booqday dadkii dib uga soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Kenya

Daawo Sawirrada: Mas'uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo booqday dadkii dib uga soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Kenya

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In