Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 22, 2016
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee Galmudug.

Wafdigan oo sidoo kale qayb ka ahaayeen wasiiru dawlaha madaxtooyada Soomaaliya, Mahad Salaad iyo mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Caddado ku soo dhoweeyay Madax ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug,  maamulka degmada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

Related posts

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

August 10, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

August 10, 2025

Wasiir dawlaha madaxtooyada JFS mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ugu horayn ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado, isagoo sheegay in safarkoodu la xiriiro sidii loo dardargalin lahaa arrimaha doorashada deegaankan ka dhacaya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka JFS mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa isna sheegay in doorashada sanadkan dalka ka dhacaysa ay tahay mid fursad wayn siinaysa shacabka, sidaa darteedna loo baahanyahay in ahmiyadeeda lagu baraarugsanaado.

Waxa uu intaa ku daray wasiir Odawaa, in maalmaha soo socda wafdigu joogi doono magaalada Cadaado, islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka si loo dardargaliyo arrimaha doorashooyinka oo dawlada Soomaaliya ay xoogga saarayso inay si hufan u dhacdo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Cadaado gaarayay wafuud kala duwan, waxaana si weyn looga dareemayaa ololaha doorashooyinka dadban ee sanadkan dalka ka dhacaya Dalka.

DSC09660 DSC096592 DSC096635 DSC096667 DSC0966111 DSC0966122 DSC0966134 DSC0969118 DSC0969318

 

 

 

 

Previous Post

42 qofood oo ku dhintay Doon ku degtay Badda Mediterranean-ka

Next Post

Mas’uuliyiinta Galmudug oo ka shiray sare u qaadidda amniga iyo dhaqaalaha+Sawirro

Next Post
Mas’uuliyiinta Galmudug oo ka shiray sare u qaadidda amniga iyo dhaqaalaha+Sawirro

Mas'uuliyiinta Galmudug oo ka shiray sare u qaadidda amniga iyo dhaqaalaha+Sawirro

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

August 10, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi aba maalmood socday ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

August 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Mareykanka oo Soomaaliya kala shaqeynayo sugidda Ammaanka Xuduudaha

August 10, 2025
0

War- qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanku ay Soomaaliya kala...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

August 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In