Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha “Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Hiiraan iyo Sh, Dhexe waa mid u talla Dowladda federaalka Soomaaliya“.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashidi Cali Sharma’arke ayaa sheegay in go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiran iyo Sh,Dhexe ay tahay mid u taalla Dowladda Federaalka.

Raiisul-wasaaraha oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in Guddiga Doorashadda dadbanna looga bahan yahay in ay wada tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2-da Gobol Odayaasha 135-ka, kadibna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natiijada ka soo baxa tashi ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee Goballadaasi.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

“Waxaan u mahadcelinaya oo aan Bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016-ka , hase yeeshee waxaan rabaa inan faro oo aan u caddeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan Go’anadii lagu gaaray Madasha hogaamiyaasha Qaranka oo lagu caddeyey in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku booriyey Guddiga doorashadda in ay wada tashi la yeshaan dhammaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira Goboladda Hiiran iyo Sh. Dhexe 135-ka oday, uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan , isla markaana ay Dowladda Federaalka u soo gudbiyaan natiijadda ka soo baxda wada tashigaas sidii horay loogu heshiiyey.

Previous Post

Ciidamada XDS ee Danab oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsana Shabaab

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In