Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo la kulmay Soomaalida reer Minnesota (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo la kulmay Soomaalida reer Minnesota (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Spephen Schwartz, ayaa Kulan la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo Seattle-Washington.

Danjire; Spephen Schwartz, oo ay wehliyeen xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa intii ay ku sugnaayeen Minneapolisi, waxay booqdeen xarunta Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota iyo Labada Suuq ee ay ku Ganacsadaan Soomaalida halkaa deggen.

Related posts

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026

Cabdi Warsame, oo ah guddoomiyaha Dagmada Lixaad ee Minneapolis, ayaa ugu horreyn hakaasi ka jeediyay hadallo soo dhawan ah,wuxuuna ugu mahad celiyay Safiirka booqashada uu ugu kuur galayo xaaladda Soomaalida ku nool Maraykanka.

C/rashiid Sheekh Cali oo ka mida Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida, ayaa sidoo kale Danjiraha iyo wafdigiisa siiyay war bixin kooban, isagoo xusay horumarka Soomaalida Minnesota iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen Gobolka.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Spephen Schwartz, ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxuuna ka hadlay qodobbo ka mid ah siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya sida; Amniga iyo Taakulaynta Ciidamada, waxana si taxadar leh uga hadlay duqeymihii ka dhacay duleedka Gaalkacayo oo uu sheegay inuusan war xaqiiqo ah ka hayn siday wax u dhaceen.

Safiirka iyo wafdigiisa, ayaa gebagebadii si weyn u ammaanay dedaallada horumarineed ee ay Soomaalida ku dhaqan Maraykanka wadaan iyo tallaabooyinka yididdiilada leh ee ay qaadayaan ganacsatadooda Minnesota.

DAAWO SAWIRADA

us8us7us6us5us4us3us2

Previous Post

Turkiga oo Saldhig Ciidan ka furanaya Soomaaliya-(Sawirro)

Next Post

Xildhibaan Ubax Tahliil”Waa in dalka dibadiisa loo qaado ciidankii ku waxyeeloobay duqeyntii gobolka Mudug”

Next Post
Xildhibaan Ubax Tahliil”Waa in dalka dibadiisa loo qaado ciidankii ku waxyeeloobay duqeyntii gobolka Mudug”

Xildhibaan Ubax Tahliil"Waa in dalka dibadiisa loo qaado ciidankii ku waxyeeloobay duqeyntii gobolka Mudug"

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In