Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulamo la qaatey qeybaha bulshada ee magaalada Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulamo la qaatey qeybaha bulshada ee magaalada Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baydhabo, 4 October 2016 (Villa Somalia)—-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa weli ku guda jira kulamadii u la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada degaannadaasi.

Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxaa uu la qaatey madaxda jaamacadaha, aqoonyannada, ardayda jaamacadaha, Ciidanka Qalabka Sida, ururrada haweenka, dhalinyarada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, madaxda maamulka Koonfuur Galbeed iyo culumada diinta.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Madaxweynaha ayaa qeybahaasi u la kulmay uga warbixiyey hannaanka dhismaha Soomaaliyada cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo horumar dalku uu ku tallaabsado.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu qeybahani kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ugu baaqey inay gacan weyn ka geystaan dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo sal u ah dhismaha qaran Soomaaliyeed oo isku tashan kara.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashada Dowlada Goboleedka Koonfuur Galbeed oo uu ku ammaanay waxqabadkooda, dhanka kalena ka codsadey inay daah-furnaan ku shaqeeyaan.

———————————-DHAMMAAD————————-

Previous Post

Hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo oo ka socda magaalada Kismaayo

Next Post

Ergada shirka Jowhar oo maalinti Afaraad ka doodaysa qabyo qoraalka dastuurka+Sawirro

Next Post
Ergada shirka Jowhar oo maalinti Afaraad ka doodaysa qabyo qoraalka dastuurka+Sawirro

Ergada shirka Jowhar oo maalinti Afaraad ka doodaysa qabyo qoraalka dastuurka+Sawirro

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In