RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27 xubnood oo ka socda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Tababarka waxaa bixinaya khubaro ka tirsan Jaamacadda Zhejiang Normal University, waxaana ka qaybgalaya agaasimayaal, madaxda qaybaha warbaahinta dowliga iyo howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa istiraatiijiyadda warbaahinta casriga ah, adeegsiga garaadka macmalka ah (AI), maaraynta warbaahinta iyo ka hortagga wararka been-abuurka ah. Wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo aqoonta, tayada iyo xirfadaha shaqaalaha warbaahinta dowladda.
Mudane Zhu Yifeng, Madaxweyne Ku-xigeenka Jaamacadda Zhejiang Normal University, ayaa munaasabadda furitaanka ka sheegay in aqoon-is-weydaarsigani muhiim u yahay is-weydaarsiga khibradaha warbaahinta, xoojinta xiriirka iyo horumarinta iskaashiga labada dal.
Cabdishakuur Cali Axmed, Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa tilmaamay in aqoon-is-weydaarsigani uu xubnaha matalaya warbaahinta dowladda siinayo fursad ay wax kaga bartaan waayo-aragnimada Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee casriyaynta warbaahinta. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyey Dowladda Shiinaha, qabanqaabiyeyaasha iyo hay’adaha taageeray tababarkan.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha uga mahadcelinaysaa taageerada joogtada ah iyo fursaddan qiimaha leh ee la siiyey shaqaalaha warbaahinta dowladda, si ay u kobciyaan aqoontooda iyo xirfadahooda, ugana faa’iidaystaan hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee warbaahinta. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Danjire Wang Yu, fududeynta barnaamijkan, iyo Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha oo maalgelisay,” ayuu yiri Agaasime Cabdishakuur.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qayb ka ah barnaamijyada is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha ee u dhexeeya Dowladda Shiinaha iyo dalalka Afrika.












