RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa gurmad u fidiyey bulshada ay saameeyeen roobabkii mahiigaanka ahaa ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey degmada Xarardheere.
Roobabkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay bulshada degmada, gaar ahaan xaafado ka mid ah Howlwadaag, Tuulo Cali Dagaay, halkaas oo ay ka dhasheen baahiyo u baahan gurmad iyo garab istaag.
Maamulka degmada iyo Ciidamada XDS ayaa dadaallo gurmad ah u sameeyey bulshada ay roobabku saameeyeen, iyagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo u gurmashada dadka ay dhibaatooyinku soo wajahaan.











