Wednesday, December 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qalab caafimaad oo lagu wareejiyay isbitaalka Forlanini+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Qalab caafimaad oo lagu wareejiyay isbitaalka Forlanini+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qalabkan Caafimaad oo Hay’adda Intarnational Relief Foundation ku wareejisay isbitalka Forlanini ama Lazareeti ayaa isugu Jirtay Sariiro, Joodariyaal ,iyo Qalab Caafimaad oo adeega isbitalka  u baahnaa.

Xildhibaan Shariif Mxamed Siidii oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka ahna Madaxa guud ee Hay’adaha  qalabkan  Caafimaadka ku wareejisey isbitalka Forlanini ayaa  sheegey in Qalabkan wax badan uu ka tari doono Bukaannada isbitalka jiifa,  wuxuuna intaasi uu ku darey iney bilow fiican tahay, laakin qorshahoodu uu yahay in kaalin fiican ay ka Qaataan Horumarka isbitalkaasi.

Related posts

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025

“qalabkan oo aan ugu deeqney isbitalka Forlanini cisbitalkan waxaa uu yahay Cisbitalka ugu weeyn ee Soomaaliya waxaana dhisey Dowlada Talyaaniga ,intan waa bilow laakin waxaan diyaar u nahay in aan ku caawino isbitalka qalab intaas ka badana  soo gaarsiino” ayuu yiri  Xildhibaan Shariif Mxamed Siidii

Agaasimaha guud ee isbitalka Forlanini Drs. Faadumo  Cabdi Macow ayaa soo  Dhoweysay qalabkan lagu wareejiyey isbitalka Forlanini iyadoo dhinaca kale sheegtey in isbitalka Forlanini u baahanyahay agab Caafimaad oo intaas Ka badan.

“Aad ayaan u soo dhoweyneynaa qalabkan oo Hay’adda nagu wareejisey qalabkana waxaa uu isugu Jiraa sariiro joodariyaal iyo qalab caafimaad iyo kuwa nadaafada qaabilsan ,waxaana codsaneynaa in gurmad kale iisbitalka uu helo.” ayuu yiri Agaasimaha guud ee isbitalka Forlanini Drs. Faadumo  Cabdi Macow.

14536496_688865401282337_1339035848_o 14536739_688867151282162_226270457_o 14536990_688867261282151_1227334970_o 14585578_688865911282286_714813742_o 14585677_688864837949060_1071338159_o 14600513_688866447948899_454343165_o 14600565_688864511282426_2099946532_o 14600639_688865657948978_1724755987_o 14600753_688865954615615_2021116959_o 14600794_688865417949002_851547701_o

Previous Post

Wasiirka waxbarashada oo hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliyeed

Next Post

Abwaan Sangub “Xaaladdayda caafimaad aad bay u soo hagaageysaa” Dhageyso

Next Post

Abwaan Sangub “Xaaladdayda caafimaad aad bay u soo hagaageysaa” Dhageyso

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025
0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

December 10, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In