Cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowlaada Federaalka Soomaaliya oo ay weliyaan kuwa AMISOM ayaa hawlgallo balaaran maanta ka wada qaybo ka mid ah Degmada H/wadaag ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Dowladda federaalka Soomaaliya, C/kaafi Macallin Shukri, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in hawlgalkan uu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayay qaar ka mid ah Garaashyada Waaweyn ee Degmada H/wadaag, kuwaasoo loogu shaki qabo in lagu farsameeyo lagana soo abaabulo Qaraxyada lagu rakibo Gaadiidka ee lagu waxyeelleeyo Shacabka Muqdisho.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu C/kaafi Macallin Shukri, intaa raaciyay in Hawlgalkani diiradda lagu saarayo baro cayiman, bulshadana ay la wedaagi doonaan marka la soo gabagabeeyo.
Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkani uu qeyb ka yahay qorshayaasha dowladdu ku xaqiijineyso ammaanka guud ee caasimada dalka ee Muqdisho