Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu xiri doono Hillary Clinton hadii uu kaga guulaysato ololaha Tartanka jagada Madaxweynaha Maraykanka oo dhici doonto bisha November ee Sanadakan.
Doodii Labaad oo Xalay Musharixiinta Xisbig Jamhuuriga iyo kan Dimoqoraadiga Donald Trump iyo Hillary Clinton dhex martay ayuu Trump ku eedayay Clinton waxa uu ku tilmaamay asluub xumidda ay kula dhaqanto Haweenka.
Wuxuu intaa raaciyay Marka uu ku firiisto kuriga aqalka cad ee Mareykanka uu si deg deg ah u magacabi doono xeer ilaaliye baara ama dambi ku soo ooga Hillary Clinton Emailadeeda Xiligii ay aheyd Xoghayaha arrimaha Dibadda ee Mareykanka intii u dhaxeysay Sanadihii 2009-2013 kii.