Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah Beeraleyda Gobolka Shabeelaha Hoose oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 12, 2016
in Wararka
0
Qaar ka mid ah Beeraleyda Gobolka Shabeelaha Hoose oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Qaranka iskaashatooyinka Beeraha ayaa siminaar lagu baranayo horumarinta wax soo saarka  dalagyada beeraha habka beerashada iyo keydinta dalagyada oo soconayay muddo  saddex maalin ah ugu soo xiray Muqdisho 60 qof oo ka mid ah  beeraleyda  gobolka Shabeelaha Hoose

Munaasabad lagu soo xirayay siminaarka ayaa waxaa  ka soo qeyb galay  mas’uuliyiinta ururka Qaranka iskaashatooyinka Beeraha, qaar ka  mid ah  beeraleyda  gobolka Shabeelaha Hoose, agaasimaha guud ee wasaarada Beeraha  ee Xukuumadda Soomaaliya iyo marti sharaf kale

Related posts

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025

Mursal Muqtaar Xaaji Caliyow  iyo Yusuf Axmed Cabdulle oo ka mid ah  beeraleyda ka faa iideysatay  muddadii uu socday siminarka ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideysteen, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku shaqeeyaan waxyaabaha ay kororsadeen.

Guddoomiyaha  iskaashatada  Qaranka  Beeraha  Muuse  Xaashi  Baraale  ayaa ka hadlay  qiimaha uu u leeyahay  siminaarkan beeraleyda  Gobolka  Shabeelaha Hoose, isagoo  kula  dardaarmay dadka  ka  faa’iideystay in ay  ugu faa’iideeyaan  waxa  ay ka  barteen  bulshada  Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya  Maxamuud Maxamed Maxamuud oo soo xiray siminaarka ayaa tilmaamay in  Wasaaradda  Beeraha  ay qeyb weyn ka qaadaneyso  horumarinta  beeraleyda Soomaaliyeed.

“Ka  Wasaarad ahaan waxaan  garab taaganahay  in aan horumarino Beeraleyda  Soomaaliyeed , beeruhu  waa  horumarka  dal  kasta,  beeraleyda waxaan kula talinayaa in ay  horumariyaan  wax soo saarka  beerahooda  si loo gaaro horumar”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha.

Mudooyinka ayaa Ururka  Qaranka  Iskaashatooyinka Beeraha oo kaashaneya Wasaaradda Beeraha  waxa ay wadeen dadaallo  lagu horumarinayo wax soo saarka  beeraha.

DSCN6685 DSCN6687 DSCN6688 DSCN6692 DSCN6694 DSCN6696 DSCN6698 DSCN6700 DSCN6701 DSCN6702 DSCN6705 DSCN6709 DSCN6710 DSCN6711

Previous Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Nabadoono caan ah ku dilay deegaanka Ceel Cali “Dhageyso”

Next Post

Dib u dhac ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle

Next Post
Dib u dhac ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle

Dib u dhac ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In