Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari Oo Ka Qeybgalay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle, Kulamana La Qaatay Odayaal “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari Oo Ka Qeybgalay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle, Kulamana La Qaatay Odayaal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Hirshabelle kulankiisii 1aad ee aan caadiga aheyn oo ay Xildhibaannadu ku dooranayeen Guddoonka Baarlamaankooda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya,Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waxaana uu Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ay goobjoog u ahaayeen sida ay doorashadu u dhacday.

Related posts

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026

Khudbad uu ka jeediyey Munaasabadda doorashada kadib ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ku ammaanay dadaalka iyo dhabar adeyga ay muujiyeen odayaasha iyo waxgaradka labadan gobol sidoo kalena Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo urur goboleedka IGAD ayuu bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen dhismaha maamulka Hirshabelle waxaana uu u hambalyeeyey Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ee la doortay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay Baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo hada howsha dhameystirka dhismaha maamulka ay hortaallo iney ka shaqeeyaan sidii loo qancin lahaa qof kasta oo ka maqan madashan ee wax tabanaya waxaana uu u rajeeyey iney ku guuleystaan howshooda, tallaabadanna ay muujineyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta nidaamka Federaalka.

Dhinaca kale Guddoomiye Jawaari ayaa kulammo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Jowhar odayaasha iyo waxgaradka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe qaarkood iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulammadaasi dhammaantood ay ahaayeen kuwo uu ku dhageysanayey qeybaha bulshada isaga oo xaafadaha qaarna ku booqday waxgaradka.

IMG_0057 IMG_0156 IMG_0162 IMG_0177 IMG_0189 IMG_0209 IMG_0211 IMG_0237 IMG_0255

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Previous Post

Madaxweynaha oo u hambalyo u diray Guddoomiyaha baarlamanka maamulka cusub ee HirShabeelle

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In