Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 14, 2016
in Wararka
0
Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF, ayaa ugu baaqday mar kale Dowladda Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan qaxootiga UNCHR, in ay keenaan qorshe kale oo kan dhaama oo ay Dalalka deeqaha bixiyaana taageeraan.

Warbixinta MSF , oo Cinwaan looga dhigay ‘Geeddiga Dhadhaab illaa Soomaaliya,waa Dad dab lagu tuurayo, ayaa lagu sheegay in xog ururin la sameeyay lagu ogaaday in Tobankii Qof ee qaxooti ahba Siddeed ka mid ah ay walaac ka muujiyeen dib u celinta, taasoo ay ka mid tahay cabsi ay ka qabaan in kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ka jiraa khasab ku qortaan, faro-xumayn haweenka loo geysto iyo daryeel caafimaad la’aan.

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025

Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee MSF, ayaa waxa kale oo lagu sheegay cawaaqib xumada ka dhalan karta in mar qudha dad badan dib loo celyo.

Agaasimaha guud ee hay’adda MSF, Bruno Jochum, ayaa sheegay inay tahay mid iska cad in xeryo qaxooti aanay ahayn waxa ugu habboon ee lagu xallin karo xiisad taagnayd 25 Sano, balse wuxuu walaac ka muujiay in xeryahaasi mar keliya oodda la saaro iyadoon la haynin xal kale,wuxuuna ku micneeyay in Dadkii dib loogu tuurayo Debka colaadeed ee holcaya.

Wuxuuna sarkaalkan caqabadda ugu weyn ku tilmaamay daryeel caafimaad la’aan ka taagan inta badan goobaha la doonayo in lagu celiyo iyo tasiilaadka xagga nolosha oo aan haatn jirin, kuwaasoo qatartooda leh.

Waa markii Labaad ee ay hay’adda aan xudduudda lahayn ee MSF ka digto dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee muddada rubuc Qarniga ah ku jiray Xeryaha Dhadhaab Kenya iyadoo ku celcelisay in la saxo marka hore baahiyaha asaasiga ee Dadkaasi iyo halka la dejinaya intuba.

 

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo booqday Minneapolis+Sawirro

Next Post

Baroordiiqda geerida boqor Bhumibol Adulyadej oo ka socota dalka Thailand+Sawirro

Next Post
Baroordiiqda geerida boqor Bhumibol Adulyadej oo ka socota dalka Thailand+Sawirro

Baroordiiqda geerida boqor Bhumibol Adulyadej oo ka socota dalka Thailand+Sawirro

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In