Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo booqday Minneapolis+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo booqday Minneapolis+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washinton Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Norway ee isna fadhigiisa yahay Magaalada Washinton Kare Ass ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota halkaasi oo ay kula kulmeen jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka Minnesota.

Ugu horey waxay booqashadooda ka bilaabeen Madxafka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota halkaasi oo uu ku soo dhaweeyey Cismaan Maxamed Cali oo ah aas’aasaha iyo Gudoomiyaha Madxafka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed iyagoo ku soo wareejiyey qeybaha kala duwan ee madxafka uu leeyahay, isla markaana waxaa la tusay waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

intaasi kaddib ayaa waxaa ay booqdeen Suuqa Soomaalida ee Karmel Mall ee Magaalada Minneapolis halkaasi oo ganacsiyo kala duwan ay ku leeyihiin inta badan dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha  Soomaaliya  u fadhiya Washinton Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ujeedada booqashadooda ay tahay sidii ay ula socon lahaayeen xaaladda Soomaalida ku nool halkaasi.

Sidon kale Safiirka Norway u fadhiisa Maraykanka ayaa booqasho ku imid Minneapolis si ay u  aragto dadka reer Minnesota oo asal ahaan kasoo jeeda Norway laguna qiyaaso 13%,

“waxaan isla soconaa safiir Axmed. Sidaasi oo kale, Waxaan rabaa in aan wax agaado Soomaalida reer Minnesota sida ay u nool yihiin, horumaka ay sameeyeen dhanka shaqada, waxbarashadda iyo is-dhexgalka iyo sida ay uga mid noqdeen bulshada Maraykanka. Norway waxaa ku nool ilaa iyo 40 tan kun Soomaali ah waxaan doonnaynaa in Soomaalida reer Minnesota wax ka barano. ayey tiri Danjiraha Norwey ee Mareykanka Kare Ass.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Roob lagu diirsaday oo saaka ka da’ay magaalada Gaalkacyo

Next Post

Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab

Next Post
Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab

Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In