Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada oo sheegtay inay bilaawday wada hadalo ay kala yeelanayaan maamulada Puntland iyo Galmudug xalinta Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Bulshada rayidka oo dib u dhac ku tilmaantay Mowshinka laga keenay Madaxweynaha.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in laga qeyb qaato dadaalada Nabadeed ee xalka loogu raadinayo dagaalada soo laalaabtay ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay inay bilaabeen wada hadalo ay la yeesheen Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland, si xal waara looga gaaro colaadda Gaalkacyo.

Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ahna guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ka xunyihiin dhiiga dadka walaalaha ee ku daadanaya dadka

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

“Anagu maka daaleyno baaqyada aan u jeedineyno dadka walaalaha ah, waxaan soo jeedineynaa in waxkasta lagu dhameeyo wada hadal, waayo arrimahan dad siyaasadeed ayay u badanyihiin, waxaan kaloo soo jeedineynaa in caqliga uu shaqeeyo, isla markaana waxkasta lagu dhameeyo wada hadal” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa xusay in khadka telefonka uu kula xiriiray Madaxda Dolwad goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo uu kala hadlay sidii ay u qaadan lahaayeen baaqyada bulshada qeybaheeda kala duwan uga imaaneysa, isla markaana ay colaadda ku dhameeyaan wada hadal.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulamo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo la qaatay madaxda Galmudug

Next Post
Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Ra'iisul Wasaare Cumar oo kulamo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo la qaatay madaxda Galmudug

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In