Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha booliska oo siminaar ku saabsan farsamada baarista dambiyada u soo xiray saraakiil ciidan”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha booliska oo siminaar ku saabsan farsamada baarista dambiyada u soo xiray saraakiil ciidan”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan Horumarinta Farsamada Baarista Dembiyada, kaas oo muddo laba maalmood ah ugu socday Saraakiisha Booliska, gaar ahaan inta ku shaqada leh hawlaha baarista Dembiyada, sida Hoggaanka Baarista dembiyada ee CID, Qaybaha Booliska G/Benaadir, Saldhigyada Booliska G/Benaadir, Ciidamada sida gaarka ah u hawlgala, qaybta ilaalinta canshuraha & dhaqaalaha, iyo Qaybta Nabadgelyada waddooyinka.

Aqoon-iswaydaarsiga oo ay casharo wax ku ool ah ka bixinayeen Saraakiil Sare oo Ciidanka ka tirsan, Xeer ilaalinta Dalka iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamdda G/Benaadir, waxaa wixii laga faaidaysatay muddadii uu socday siminaarka ka soo jeediyay S/Guuto Maxamed Yususf Cumar Madale, isagoo  sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii la isku afgartay oo ay ka mid yihiin in la soo saaro Amaro joogto ah oo khuseeya habraaca shaqada Baarista Dembiyada si looga gudbo dhiliilaha ka yimaada ee xagga farsamada Baarista ah, in la joogteeyo kulamada lala qaato Xeer ilaalinta & garsoorka si loo saxo  khaladaadka ku yimaada shaqada baarista. Dr. Aways Sh. C/llaahi

Related posts

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026

Dr. Maxaamed Xasan oo ah ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa isagana aad u amaanay Siminaarkaan lagu saxayo khaladaadka barista isla markaana lagu horamarinayo habka baarista Dembiyada ee Saldhigyada Boliiska, isagoo waxyaabihii laga codsaday Xeer ilaalinta sheegay in uu u gudbinayo madaxdiisa si ay doorka xeer ilaalintu u ahaato mid joogto ah ay kula shaqeeyaan Boliiska.

Sidoo kale waxa kalmad kooban ka soo jediya gebagebadii siminaarka Dr. Aways Sh. C/llaahi oo ah Garsooraha Maxkamdda G/Benaadir, ayuu ku shegay in wax badan siminaarkaan la isku xasuusiyay, sidoo kalena haddaan la is dhaliilin aan waxba la sixi Karin, wuxuuuna si aad ah u amaanay Taliyaha Boliiska oo runtii waqti badan u huray sixidda iyo horumarinta shaqada Boliiska oo ah halka ay ka bilaabato Garsoorka,

Ugu damabayntii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Saraakiisha u sheegay in ciidanka dhexdiisa ay ka jirtay baahi, si looga baxana ay khasab ahayd in la is waydiiyo waxa ay tahay baahidaasi, Dadwayanaha Soomaaliyeed waxa badan ayay ku tuhmayaan Ciidanka Boliska, maadama laga soo gudbay marxaladdii fowdada, waxayna aaminsan yihiin in ay caddaalad helaan, haddaan shaqada boliiska ee xagga baarista la horu marinna aysan dadwaynuhu heli Karin caddaaladii ay aamineen in ay heli doonaan, waana taas baahida keentay in siminaarkaan lagu iftiiminayo ciladaha xagga farsmada baarista ee haysata saraakiisha Boliiska la qabto, isla markaana kor loogu qaado wacyiga iyo fahamka marxaladda lagu jiro oo ah in laga gudbay jahligii iyo qabiilaysigii loona gudbay marxalad aqoon iyo xirfad lagu shaqeeyo.

Ugu dambayntii ayaa Taliyaha aad uga mahadceliyay Macalimiintii aqoontooda ku kordhiyay Sarakiihsa Booliska iyo Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka,  isagoo ka soo qaybgalayaasha siminarka kula dar daarmay in ay Aqoontooda horu mariyaan, wax walba oo ay qabanayaan ay Alle dartii u qabtaan una shaqeeyaan Shacabkooda ka sugaya adeegga helidda caddaalad iyo sinaan.

2 3 4 5 6 unnamed (1) unnamed

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo maanta dooranayo madaxweyne.

Next Post
Dib u dhac ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle

Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo maanta dooranayo madaxweyne.

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In