Qoysas barakacayaal ah oo ku nool magaalada Cadaado ayaa maanta loo qaybiyay Bacaha roobka laga galo, iyadoo ay komeereen mudanayaal ka tirsan aqalka sare iyo gudoomiyaha degmada.
Qoysaskan oo gaaraya ilaa 186- ayaa isugu jira kuwa horay u daganaa Cadaado iyo qaar maalmo ka hor ka soo barakacay magaalada Gaalkacyo, waxaana deeqdan Teendhooyinka ah maanta gaarsiiyay Abshir Maxamed Axmed Bukhaari oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare ee dhawaan la doortay.
Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii maanta barakacayaashan soo booqatay ayaa ku baaqay in la caawiyo dadkan oo qaarkood ay duruuf adag ku suganyihiin.
Abshir Maxamed Axmed oo ah mudanihii ugu horeeyay ee Aqalka sare ee Soomaaliya yeelato ayaa sheegay in uu xoogga saari doono wax u qabashada dadka danta yar.
Waxa uu xusay in Iskuul ay Carruurta barakacayaasha ah wax ku bartaan uu dhisi doono, Macalimiina uu isagu keenayo, sidoo kalena dugsi Qur’aanka Kaamkana la baraalin doono
Dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ayaa magaalada Cadaado waxaa soo gaaray in ka badan 200 oo Qoys oo ka soo barakacay colaadda ku soo laalaabatay magaalada Gaalkacyo.