Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Talyaaniga oo maanta Booqday Akadeemiyada Booliiska ee Jeneraal Kaahiye+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Talyaaniga oo maanta Booqday Akadeemiyada Booliiska ee Jeneraal Kaahiye+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliiska, wasiir ku xigeenka Gaashaandhiigga, Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka ciidanka booliiska.

Cutubyo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa dhoolatus ciidan kusoo bandhigay fagaaraha dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, taasoo ay ku muujiyeen qibrada iyo aqoonta ay u leeyihiin sugidda amniga guud ee dalka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in ciidanka boolisku uu higsanayo horumar la taabankaro.

‘Ciidanka booliska waxa uu hiigsanayaa horumar aad u balaaran, waxaa nagu soo fool leh doorashooyin la rabo inaan amniga wax badan ka qabanno, waxaa nagu soo fool leh isbedel dowlad cusub oo la dhisidoono, waxaa nagu soo fool leh sanad cusub oo ah 2017-ka oo aan rabno inaan u bixinno sanadki booliiska” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Xaamud.

Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Cabela ayaa sheegay in amnigu yahay udub dhexaadka nolosha isagoo xusay in haddii la sugo ammaanka la gaari doono horumaro lagana bixidoono dhibaatooyinka.

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay horumarka uu ku tallaabsaday ciidanka booliiska, tayo ahaan iyo tiro ahaanba.

1

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 unnamed

Previous Post

Barakacayaal bacaha roobka loogu qeybiyay Cadaado+Sawirro

Next Post

Daawo Sawirrada: Baarlamaanka Puntland oo doortay xubnaha u matalaya aqalka sare

Next Post
Daawo Sawirrada: Baarlamaanka Puntland oo doortay xubnaha u matalaya aqalka sare

Daawo Sawirrada: Baarlamaanka Puntland oo doortay xubnaha u matalaya aqalka sare

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In