Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo maanta kormeeray xarunta gaadiidka gurmadka degdega ee Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 24, 2016
in Wararka
0
Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriuyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shekkh Maxamuud ayaa maanta kormeeray xarunta gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la socdey guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho, kormeerka koowaad waxa lagu soo indha-indheeyey Shaqaalaha gurmadka deg-degga iyo baabuurta Dab-damiska ah oo u diyaarsanaa shaqadoodii, kuwaas oo qeybo kale u kala baxa,  waxaa ka mid ah Qeybta Makaanikada iyo  howlaha deg-degga ah ee gobolka uu u baahan yahay.

Related posts

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025

Xarunta waxaa ku dhex-yaalla Sheybaarka howlaha deegaanka oo shaqooyin kala duwan qabta, madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhageysanayey dhallinyaro aqoon-yahanno ah oo heysta darajada Mester-ka, maamulka gobolka Banaadir ayaana ka faa’ideysanaya aqoontooda, waxa ay madaxweynaha J. Soomaaliya u sheegeen in fursaddaan uga mahadcelinayaa dowladda uu hoggaamiyo.

Qeybta ugu muhiimsan waa tababarrada dhallinyarada oo nooc walba  isugu jira dhallinyaro gabdho iyo ragba leh, waxaa ka socdey tababar ku saabsan xallinta khilaafaadka, madaxweyne Xasan Sheekh  markii uu tagey su’aallo ayuu weydiiyey dhallinyaro aad u da’yaraa oo tababarka qaadanayey, si ay wacyigelinta bulshada qeybta ugu xooggan uga qaataan. cod M.

Mar kale  oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kormeerray dhallinyaro barata maadooyin kala duwan,  waxa ay u sharraxeen qeyb ka mid ah waxyaabaha ay bartaan oo uu aad ugu qancay.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhallinyarada la hadlayey ayaa sheegay sida ugu wanaagsan ee ay uga qeyb-gali karaan mashruuca dalkaaga dhiso oo la doonayo in dhallinyarada ay hormuud u noqdaan, bulshaduna ay ku baraarujiyaan.

“Ujeedada waa in shaqooyin loo abuuro dhallinyarada, daruufaha gaarka ahna waa laga baxayaa, dowladda waxaa ka go’an tahay ay dhammeystirto olollaha ugu weyn ee shaqo abuurka dhallinyarada loogu sameynayo,” ayuu yiri madaxweynaha

 

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka: “Qorshaha Horumarinta Qaranka waa mid dalka horumar dhaqaale gaarsiinaya”

Next Post

Shirka Gudoomiyaasha Maxkamadaha sare ee Wadamada Carabta oo Masqat ka furmay, Soomaaliyana oo ka qayb galaysa ”SAWIRRO”

Next Post
Shirka Gudoomiyaasha Maxkamadaha sare ee Wadamada Carabta oo Masqat ka furmay, Soomaaliyana oo ka qayb galaysa ”SAWIRRO”

Shirka Gudoomiyaasha Maxkamadaha sare ee Wadamada Carabta oo Masqat ka furmay, Soomaaliyana oo ka qayb galaysa ''SAWIRRO''

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
0

Shirweynihii maalmahaan ka socday magaalada Laascaanood ayaa caawa lagu ansixiyey in magaca maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag laga...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Jabuuti, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

July 30, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

July 30, 2025
0

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In