Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer waxa uu saxiixay cahdiga Ururka mideeya wadamada dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (IORA) intii lagu guda jiray Shirka Golaha Wasiirada ururkaasi oo ku qabsoomay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.
Saxiixidda heshiiskan waxa uu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalladda ay ku midoobeen wadamada ay hareyso badweynta India ee loo yaqaan (IORA) taasi oo dhiirigelineysa ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto badbaadada badda, ammaanka , ganacsiga, maalgashiga, maamulka kheyraadka badda, dalxiiska iyo is dhaafsiga dhaqanka.
Hadal uu Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer uu jeediyay, waxa uu diiradda ku saarray in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim u ah Ururka (IORA), ayna xiriir xoogan oo wax wadaagid ah ay la leedahay inta badan wadamada xubnaha ka ah dalladan, iyada oo aan u mareyno xubinnimadeena waxaanu hiigsaneynaa inaanu sii xoojinno , yagleelno xiriirro cusub oo wax wadaagid ah oo dhinac kasta ku shaqa leh oo ah dan wadaag.
Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ka xubin ahaan waxa ay kala xaajoon doontaa dhammaan xubnaha (IORA) ka qeybqaadasho iyo dano wadaag horukac balaaran ka geysan kara dhaqaallaha Soomaaliya bad iyo beriba.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhowreysaa mabaadiida cahdiga (IORA) ee ku dhisan wax wadaagid iyo hiigsi guud oo isku xiran, is ogol iyo barwaaqada gobolka badweynta Hindiya .
1 2
Previous Post

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda+Sawirro

Next Post

Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka G/Banaadir oo ka shiray dib u dhiska Caasimadda+Sawirro

Next Post
Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka G/Banaadir oo ka shiray dib u dhiska Caasimadda+Sawirro

Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka G/Banaadir oo ka shiray dib u dhiska Caasimadda+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In