Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 27, 2016
in Wararka
0
Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer waxa uu saxiixay cahdiga Ururka mideeya wadamada dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (IORA) intii lagu guda jiray Shirka Golaha Wasiirada ururkaasi oo ku qabsoomay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.
Saxiixidda heshiiskan waxa uu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalladda ay ku midoobeen wadamada ay hareyso badweynta India ee loo yaqaan (IORA) taasi oo dhiirigelineysa ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto badbaadada badda, ammaanka , ganacsiga, maalgashiga, maamulka kheyraadka badda, dalxiiska iyo is dhaafsiga dhaqanka.
Hadal uu Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer uu jeediyay, waxa uu diiradda ku saarray in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim u ah Ururka (IORA), ayna xiriir xoogan oo wax wadaagid ah ay la leedahay inta badan wadamada xubnaha ka ah dalladan, iyada oo aan u mareyno xubinnimadeena waxaanu hiigsaneynaa inaanu sii xoojinno , yagleelno xiriirro cusub oo wax wadaagid ah oo dhinac kasta ku shaqa leh oo ah dan wadaag.
Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ka xubin ahaan waxa ay kala xaajoon doontaa dhammaan xubnaha (IORA) ka qeybqaadasho iyo dano wadaag horukac balaaran ka geysan kara dhaqaallaha Soomaaliya bad iyo beriba.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhowreysaa mabaadiida cahdiga (IORA) ee ku dhisan wax wadaagid iyo hiigsi guud oo isku xiran, is ogol iyo barwaaqada gobolka badweynta Hindiya .
1 2
Previous Post

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda+Sawirro

Next Post

Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka G/Banaadir oo ka shiray dib u dhiska Caasimadda+Sawirro

Next Post
Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka G/Banaadir oo ka shiray dib u dhiska Caasimadda+Sawirro

Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka G/Banaadir oo ka shiray dib u dhiska Caasimadda+Sawirro

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In