Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Galmudug oo sheegay inay gabo gabo mareyso diiwaan gelinta ergooyinka dooranaya Xildhibaanada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 2, 2016
in Wararka
0
Deg deg dastuurka maamulka Mudug iyo Galgaduud oo la meel mariyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo halka ay wax u marayaan hanaanka doorashooyinka aqalka Hoose.

Afhayeenka guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dawlad goboleedka  Galmudug, Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in 2-da bishan oo maanta ku began ay bilaabayaan diiwaan galinta musharixiinta ku loomamaya kuraasta aqalka hoose ee Baarlamanka, waxaana uu intaa ku daray in ay diiwaan galiyeen ilaa 969-Ergo oo dooran doona 19-Xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamanka Federaalka.

Related posts

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025

“Kuraasta laga rabo aqalka hoose ee Galmudug waa 36 , waa hadda na soo gaaray 29 kursi, oo 19 ka mid ah ay dhameystirmeyn, halka 10-ka kale ay wax yar u harsanyihiin, waxaana dhiman 7 kursi oo kaliya, Maanta oo Arbaco ah waxaan warqadihii aqoonsiga siineynaa 19-ka kursi oo dhamaatay” ayuu yiri Afhayeenka.

Mudane Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in guddigaasi ay u qabsoomeen howlo badan oo ka mid ah kuwa loo igmaday, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ay ku guuleystaan howsha loo xilsaaray, ayna dhameystiri doonaan ergada maalmaha soo socda.

 

Previous Post

Arday deeq waxbarasho heshay oo gaaray caasimada dalka Suudaan ee Khartuum “SAWIRRO”

Next Post

Waasiir Maareeye “Dowladdu waxa ay ku howlantahay inay sharciga horkeento cidkasta oo tacadi u geysta suxuyiinta Soomaaliyeed”

Next Post
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”

Waasiir Maareeye "Dowladdu waxa ay ku howlantahay inay sharciga horkeento cidkasta oo tacadi u geysta suxuyiinta Soomaaliyeed"

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka...

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis Lančinskas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In