Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Saxafiyiinta Soomaalida ee Muqdisho.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulamo la qaatey qeybaha bulshada ee magaalada Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  maantga kulan looga hadlayey wada-shaqeynta warbaahinta dawladda la qaatay Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka sanandlaha ah ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Warbaahinta Soomaalida, waxa uu ahaa kulan ka duwan kuwii hore, wada hadal qaatay muddo ka badan afar saacadood ayaa dhexmaray labada dhinac. waxaa joogey madaxda NUSOJ.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Waxaa la iska wareysanayey waxyaabaha iska baddelay wada shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, horumarka la sameeyey iyo in dowladdu ay ka jawaabto walaac ay dhinac kala duwan ka qabaan saxafiyiinta Soomaalida, iyadoo ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ah ee la xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah Saxafiyiina dunida.

Kulanka, waxa uu madaxweynuhu ugu yeeray wasiirradiisa Warfaafinta, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, si ay u dhageystaan cabashooyinka ay qabaan warbaahinta oo arrimo amni u badnaa, dowladda ama golyaha nabadda diiddan.

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horreyn la hadal u jeediyey qeybihii warbaahinta ee kulanta timdi, ayaa ku ammaanay doorka ay ka qaataan soo bandhiggidda horumarka dalka, iyagoo ku shaqeeya xaalado adag, waxa uu sheegay in dawladda aysan marnaba raali ka aheyn tacidyadaha ku dhaca saxafiyiinta, kuwa ay geystaan nabad-diidkuna laga qaadey tallaabooyin adag,  isla markaana  la marsiiyey caddaaladda.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la soo afrajo la xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka Suxufiyiinta, laakiin dhankiina waajib ayeey idin ku tahay  inaad ummadda wacyigooda wax ka badeshaan oo aad ku hoggaamisaan in ay dalkooda dhistaan, jeclaadaan, nabad-galyada iyo horumarka bulshaduna ay ka shaqeeyaan, si ay dawladdu ugu fududaato shaqadeeda” ayuu yiri madaxweynaha.

Xubno u hadlay warbaahinta waxa ay muujiyeen in ay ka go’antahay la shaqeynta dowladda, si gaar ah amniga, sidoo kale waxay Madaxweynuhu u sheegeen in dawladdu ku taageerto sidii ay warbaahinta ugu tebin lahayd  sida ugu habboon doorashooyinka dalka ka dhici doona dhowaan iyo arrimo kale.

Wasirika Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir )Maareeye) waxa uu sheegay in ay gudbiyeen qorshaha warbaahinta ee doorashooyinka oo uu filayo sida uu sheegay in ay ku soo dhammaan doonto  sida ugu wanaagsan.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ahna Khabiir Saxafadeed, ayaa ku taliyey in saxaafaddu ay u shaqeyso sida dalkooda uu u eg yahay.

WAXAANA gabogabadii  lagu heshiiyey in si dhab ah loo wada shaqeeyo.

dalka Soomaaliya waa waddanka kaliyah ee dawladdiisa ay Caddaaladda horkeentay afar ka mid ah kuwii dilay Saxafiyiin u adeegayey dadka iyo dalka, Madaxweynaha waxa uu ballan-qaadey in dhanka dawladda uusan xad-gudub ka imaan doonin, waxa uu warbaahintuna ku dhiirogeliyey in ay danaha Qaranka iyo dadkoodu ka horumariyaan midda gaarka

Previous Post

Ruushka oo aqbalay xabad joojin ku meel gaar ah oo ka dhaqangasho Xalab

Next Post

Ciidamada Ruushka ayaa aqbalay xabad joojin ku meel gaar ah oo ka dhaqangasho magaalada xalab ee dalkaasi suuriya.

Next Post
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee AMISOM oo xalay duqeeyay saldhig ay kooxda UGUS ku lahayd deegaanka Labaatan jiroow

Ciidamada Ruushka ayaa aqbalay xabad joojin ku meel gaar ah oo ka dhaqangasho magaalada xalab ee dalkaasi suuriya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In