Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Ganacsiga ee Turkey iyo wadamada Qaaradda Africa oo ka furmay  Istanbul+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 3, 2016
in Wararka
0
Shirka Ganacsiga ee Turkey iyo wadamada Qaaradda Africa oo ka furmay  Istanbul+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa ka Furmay dalka Turkiga shirka Ganacsiga ee wadamada Qaarada Africa iyo Turkiga, shirka oo ay ka soo qayb galeen 48 dal oo ka kala socday dhamaan Qaarada Africa, iyo African Union,

Waxaa dowlada Soomaliya uga qayb galay shirka Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee DFS Eng, Cabdi rashiid Maxamed Axmed, iyo Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safarada Soomaliya ee Dalka Turkiga, Yusuf Axmed Xasan,Jeego” iyo  Ruugta Ganacsiga Soomaliya iyo Ganacsato Soomaliyeed, furitaanka hore ee shirka ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha dalka walaalaha nahay ee Turkiga, Recep Dayib Erdogan, iyo Madaxweynaha Dalka Chad, khudbada Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa hadaladiisa  waxaa  ku jiray  inay ka go’antahay dowladda Turkiga inay maalgashi dhankasta leh ay lawadagaan dhamaan wadamada Qaarada Africa.

Related posts

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

May 14, 2025

Shirka inta uu socday ayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee DFS, waxaa Kulamo gaar gaar ah la yeeshay Ra’isul Wasaraha dalka Turkiga, Binali Yildirim, oo mahad celin balaaran usoo jeediyay Wasiirka Ganacsiga Soomaliya.

Wuxuu xusay in Soomaaliya tahay xilligan waqtiga ay ku haboontahay in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameyetaan, Wasiirka Ganacsiga Soomaliya ayaa waxaa kaloo Kulan muhiim ah la Qaatay Wasiirka Dhaqaalaha dalka Turkiga, Mudane Nihat Zeybekci, oo ay kawada hadleen in la xoojio xiiriirka Ganacsiga ee ka dhaxeeya labada dowladood, Wasiirka Dhaqaalaha dalka Turkiga oo dhamaan soo dhaweeyay sida ay dowlada Soomaliya dadaal balaaran ugu jirto horumarinta Ganacsiga, waxaa kaloo uu balan qaaday Wasiirka Dhaqaalaha dalka Turkiga  in shirkadaha  Turkiga ay maalgashi dhankasta leh la wadaagi doonaan dalka Soomaliya,

Shirkan oo socon doona Mudda laba maalin ah ayaa waxaa dadaal balaaran ay ugu  jirtaa Safaarada Soomaliya ee dalka Turkiga, xoojinta Xiriirka Ganacsiga ee  nagala dhaxeeya dalka walaalaha nahay ee Turkiga, ayadoo ay socdaan dadaal xoogan uu wado Danjiraha Safaarada Soomaliya ee dalka Turkiga, Cabdulaahi Maxamed Cali sanbaloolshe.

1 20161102_120810 20161102_120813

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 6aad” Akhriso+Dhageyso

Next Post
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 2aad”,,,AKHRISO+Dhageyso

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 6aad” Akhriso+Dhageyso

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada...

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

May 14, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu qiimeynayo muuqaalka guud ee...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In