Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulan dhiirigelin ah u sameeyay Farxaan Hadaafoow+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulan dhiirigelin ah u sameeyay Farxaan Hadaafoow+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirigelin ah u sameeyey Farxaan Hadaafoow oo ah ciyaaryahankii Soomaaliya  uga qeyb-galay tartanka Olombikada adduunka ee ciyaaraha naafada.
Farxaan Hadaafoow Maxamuud waa ciyaaryahan Soomaali ah oo sannadkaan uga qeyb-galay dalka Brazil  ciyaaraha naafada ee Olombikada adduunka isagoo matalaya dalka Soomaaliya, madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa ku casuumay madaxtooyada Soomaaliya si uu u dhiiragaliyo, waxa uu la qaatay madaxweynaha kulan farxad iyo niyad sammi u lahaa Farxaan oo uu wehliyey Siid Cali Kuukaay oo ah xog-hayaha guddiga ciyaaraha naafada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Farxaan u sheegay in uu  muujiyey dedaal, isla markaana uu ku ammaanayo  magaca uu Soomaaliya u soo hoyay, maadaama tartankii uu Brazil uga qeyb-galay uu ka galay kaalinta shannaad oo aysan marnaba keenin ciyaartooyadii kale ee Soomaaliya uga qeyb-gashay ciyaaraha olombikada adduunka.
Siid Cali Kuukay oo ah xog-hayaha guddiga ciyaaraha naafada Soomaaliyeed, ayaa dhankiisa  sheegay in Farxaan Hadaafoow uu la kulmay dhiiragelin weyn, madaxweynuhuna uu ballan-qaadey in uu gacan siin doonno ciyaaraha Naafada Soomaaliyeed gaar ahaan.
Sannadka soo socda ayuu magaalada London ee dalka Ingariiska uga qeyb-geli doona  ciyaaraha naafada adduunka.
Farxaan Hadafow ayaa ku tartamayay qeybta baaskiillada ee 100-ka mitir, isagoo ku orday 18.49 sec halka orodyahanka kaalinta 1aad galay oo ka soo jeeda Dalka Maraykanka uu ku orday 17.20 sec.
IB0A9399 IB0A9400 IB0A9411 IB0A9412 IB0A9415 IB0A9417 IB0A9419 IB0A9423 IB0A9429 IB0A9433

​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka degmada Hobyo oo codsaday in lagu gacansiiyo dhismaha garoonka diyaaradaha

Next Post
Maamulka degmada Hobyo oo codsaday in lagu gacansiiyo dhismaha garoonka diyaaradaha

Maamulka degmada Hobyo oo codsaday in lagu gacansiiyo dhismaha garoonka diyaaradaha

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In