Maxkamada Federaalka ah ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukunno kala duwa ku ridday 9 wiil oo dhalinyaro oo Soomaali ah oo lagu eedeeyey in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxda ISIS.
Maxkamadani oo socotay 3 maalin ee la soo dhaafay ayaa maalin walba la xakumayey sedex qof, hadaba Maalintii ugu horeysay ayaa waxaa la xakumay C/llaahi Yuusuf, C/risaaq Warsame iyo Zakariye C/raxmaan, kuwaasoo lagu helay dambiyo la xiriira inay doonayeen inay ku biiraan kooxda ISIS, waxaana lagu xukumay xukumo u dhexeeya 5 sanno ilaa 10 sanno.
Sidoo kale maalintii labaad ayaa waxaa maxkamada la soo taagay Xamza Ahmed oo 21 jir ah, Cadnaan Farah oo 19 jir ah iyo Hanad Muuse oo 21 jir ayey maxkamadda ku riddey xukunno 10 ilaa iyo 15 sano ah.
Haddaba maalintii ugu danbeysay oo sida weyn loo wada sugayey ayaa waxaa maxkamadda la soo taagay wiilasha kala ah Guleed Cumar oo 22 jir ah, ayaa lagu xakumay 35 Sanno Abdirahman Da’ud iyo Maxamed Faarah oo min 22 jir ah lagu xukumay min 30 sano.
Ayaan Faarax ayaa waxa ay sheegtay in aysan marnaba filanaynin in caruurteeda lagu xukumi doono muddo intaasi la eg waxayna Soomaalida ugu baaqday in hurdada laga kaco sababtoo ah bay tiri in caruur walba oo Soomaaliyeed sidan oo kale loogu soo socdo iyadoo ka muuqatay dareen hooyanimo.
Dhanka kale Eng Jibriil Afyare oo isagane ka mid ahaa horjoogayaasha jaaliyadda Soomaalida Maraykanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay in laga warqabo caruurta maadaama ay jirto qatar dhanka internet-ka ah oo lagu duufsan karo Caruurteena.
Markii maxkamadda la soo xeray ayaa waxaa banaanka maxkamadda isugu yimid qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida iyo Muwaadiniin Maraykan kuwaasi oo shacuurtooda ku hor muujiyey aafafka hore ee Maxkamada iyagoo is garab taagay waalidiinta caruurtooda la xakumay.
Liban Hussein warbaahin ka Qaranka
Minneapolis Dalka Mareykanka